Today: Nov 12, 2025
1 year ago

Kani waa Tusmada muuqaalka Guddoomiyaha iyo Xildhibaanada oo tagey furinta hore ee gobolka Cayn.

Guddoomiyaha Gobolka Cayn iyo xildhibaano ka tirsan golaha baarlamaanka Dowladda SSC-khaatumo ayaa kormeer ku tagay furimaha hore ee taliska Gobolka Cayn.

Guddoomiyaha gobolka Cayn Cumar Akabbe oo dhawaan uu guddoomiyaha gobolka Cayn u magacaabay Hogaamiye Cabdulqadir Axmed Aw-Cali iyo Masuuliyiin  la socota oo ay ka mid ahaayeen Mudanayaal ka tirsan golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo Iyo Maamulka Gobolka Cayn ayaa  shalay kormeer Ku tagay jiidaha hore ee taliska Gobolka Cayn gaar ahaan furinta duleedka Qoru-lugud.

Socdaalkan kormeerka ah ayaa u jeedkiisu ahaa u kuur galidda xaaladda difaaca taliska Gobolka Cayn, ugu Horraynba Gudoomiyaha Gobolka Cayn Cumar Akabbe ayaa ciidanka kula dardaarmay ilaalinta Difaaca deegaanka iyo kala dambaynta ciidanka dhexdiisa isaga oo guddoomiyuhu sheegay in ciidanku uu maqlo awaamiirta saraakiisha xukunta isla markaana ay saraakiishuna gudato waajibaadka uu igmaday maamulka SSC-Khaatumo.

Waa Markii ugu horraysay tan iyo magacaabistii Guddoomiyaha Gobolka Cayn ee uu kormeer ku tago jiidaha hore ee Taliska Gobolka Cayn.

Hogaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa Cumar Akabbbe dhawaan u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Cayn, isaga oo hore u ahaa Guddoomiyaha gobolkaas Sannadkii ugu dambeeyay.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.