Muqdisho (Jidbaale.net) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay ku xigeenka wakiilka xoghayaha guud ee Qarabada midoobay Mudane Raisedon Zenega iyo madaxa arrimaha siyaasadda ee UNSOM mudane Rohan Titus oo ay ka wada-hadleen arrimo xasaasi ah oo la xiriira khilaafka u dhexeya dowladda dhexe iyo maamullada dalka.
Cabdi Xaashi iyo Raisedon Zenega ayaa si gaar ah waxa ay uga wada-hadleen xaaladda guud ee dalka, siiba howlaha ballaaran ee horyaalla Aqalka Sare ee baarlamaanka dalka oo ay ugu horreyso dib u eegista Dastuurka KMG ah, shuruucda doorashada dalka iyo kaalinta QM ay uga garab siin karto howlaha ballaaran ee horyaalla baarlamaanka JF Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare oo madasha ka hadlay ayaa shaaca ka qaaday in golahu uu u taagan yahay gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah iyo inuu qaato kaalintiisa Dastuuriga ah ee isku xirka labada heer dowladeed.
Waxaa kale oo kulanka lagu soo qaaday khilaafaadka soo noq noqday ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaliya iyo dowlad goboleedyada dalka, kaasi oo haatan soo xoogeystay.
Guddoomiye Xaashi ayaa sheegay in ay ka gole ahaan u taagan yahiin xal u helidda khilaafaadka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya laguna dhammeeyo khilaaf kasta wada hadal, heshiis iyo afgarad, isla markaana QM ay garab ku siiso Aqalka Sare gudashada waajibaadkaas.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli xasaasi ah, isla markaana uu taagan yahay khilaaf xoogleh u dhexeeya Villa Somalia iyo qaar kamid ah maamul goboleedyada dalka Sida Koonfurgalbeed Soomaaliya.
Khilaafka oo haatan sii laba qarxay ayaa wuxuu si gaar ah ugu dhexeeyaa dowladda federaalka iyo maamullada Koonfur Galbeed iyo Puntland oo ay isku qabtay arrimo xasaasi ah oo la xiriira siyaasadda gudaha iyo sidoo kale xiisadda u dhexeysa Somalia iyo Itoobiya.

