Waxa maalintii sedexdaad ku sugan caasimadda Jamhuuriyadda Jabuuti ee Jabuuti hogaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubno maamulkiisa ka tirsan. Booqashadan ayaa lagu sheegay mid shaqo, waana tii ugu horreysay ee hogaamiyahan ku tago Jabuuti tan iyo markii uu qarxay dagaalka gobolka Sool bilowga sanad kii hore ee 2023.
Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) iyo xubnaha la socda waxay kula kulmeen qasriga madaxtooyada Jabuuti Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wadahadlay xaaladda gobolka iyo xoojinta nabadgalyada Geeska Afrika.
Firdhiye ayaa warbixin ka siiyay Madaxweynaha Jabuuti xaaladda deegaannada SSC-Khaatumo, gaar ahaan maamul dhisidda iyo dib u dhiska kaabayaasha dhaqaalaha ee ku burburay dagaallada.
Wasiirka warfaafinta Maamulka SSC-Khaatumo Najiib Barkhadle oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in booqashadani uga dhigan tahay guulweyn.
“Maamulka SSC-Khaatumo in ay Jabuuti martiqaaddo oo uu casuumaad rasmiya helo, hogaanka sare waxay nooga dhigan tahay horumarka aan ka sameynayno dawlad dhiska iyo in ay muuqato awoodda aan ku leenahay geeska afrika, oo aan ku sameynayno in qiblada siyaasadeed ee horukaca geeska, aynu ku yeelanay minbar fiican iyo talaabo fiican oo aan soo gaarnay’’ ayuu yiri wasiir Najiib.
Maamulka SSC-Khaatumo ayaa hadda sheegaya in Jabuuti ay gacan ka geysan doonto, dawlad dhiska deegaannada ay maamulaan, si la mid ah taageerada Jabuuti ku garab taagan tahay Soomaaliya inteeda kale ee lagu xoojinayo hay’adaha dawladda.
‘’Waxaa xoogaa laga yaabaa in dadku ay isha ku hayeen arrimaha dagaalladii laga soo baxayay, marka si uun nabadgalyo looga helo gobolka ayay had iyo gooraale, dawladda aan dariska nahay, waa dawlad ka shaqeyneysay dhismaha maamul ama dawladeed ee Soomaaliya, sidaa daraadeed maamulka SSC-Khaatumo oo kamid ah maamullada dawladda federaalka waxa ay lamid tahay dhismihii ay ku haysay maamullada kale,’’ ayuu BBC-da u sheegay wasiirka warfaafinta.