LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET) Xildhiban Axmed Keyse oo ka mid ah mudanayaasha Baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa gaarka ah ee uu Facebook ku leeyahay ayaa taageeray heshiiska Shidaalka ee Dowladda federaalku ay ku soo saarayso shidaalka Soomaliya gaar ahaan shidaalka ceegaaga Ceelka Hol-Hol oo ku yaalla dagmada Xuddun ee Gobolka Sool oo ka mid ah ceelasha Shidaalka ugu badani uu ku jiro guud ahaanba dunida.
Xildhibaan Axmed keyse oo qoraal ku taageeray heshiiskan ayaa noqday masuulkii koobaad ee si rasmi ah arrintan uga hadla xilli dadweynaha reer SSC-Khaatumo ay siyaabo kala duwan uga falceliyeen hadalkii uu sheegay wasiirka batroolka Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo hortagay baarlamaanka Federaalka Soomaliya oo la waydiiyay su’aalo Ła xidhiidha khayraadka dalka iyo qorshayaasha uga meel yaalla Dowladda federaal Soomaliya.
Xildhibaan Axmed Keyse oo ka mid ah galaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa yidhi “ “Waan soo dhoweynayaa heshiiska shidaalka ee Dawlada Federaalka dhowaan saxeexday gaar ahaan ceelka Holhol oo ah deegaanka aan xildhibaanka u ahay Guul iyo Midnimo”
Ceelka Shidaalka Hol-hol, Dowladdii dhexe ee Soomaliya ayaa sahamisay sanaddii 1989 xilligaas oo celka uu sahamiyay Kambaniga “Kanooko” oo ah Kambani caan ka ah dunida.
Dadka SSC-Khaatumo ayaa ku kala argati duwanaaday hadalka Wasiirka Badroolka Soomaliya Abdirisaaq Cumar iyada oo qaybtood ay taageereen halka qaarna ay yidhaahdeen waa heshiis lagu khiyaamanayo Maamulka SSC-Khaatumo.
Si kastba, Weli madaxda Maamulka SSC-Khatumo ayaan ka hadal arrimahan shidaalka iyo hadalka WAsiirka Badroolka ee Soomaliya Abrisaaq Cumar.