Today: Sep 14, 2025

Xaaladda Ceerigaabo Oo Qarka U Saaran In Ay Qaraxdo.

1 year ago

Magaalada ee Ceerigaabo oo ah caasimada Gobolka Sanaag ee Soomaaliya muddooyinkii ugu danbeeyey waxaa ka taagnayd xaalada is diidooyin ah oo u dhaxeeyey beelaha wada dega magaalada Ceerigaabo.

Maamulka Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyey wuxuu ku soo daabulayey magaalada Ceerigaabo ciidan tiro badan oo isugu jira malayshiyo iyo ciidan dhawaan tababar loo soo xidhay.

Ugu yaraan sideed boqol oo isagu jira malayshiyo iyo rag tababaran oo wata gawaadhi tikniko ah  ayaa laysugu keenay magaalada Ceerigaabo, waxayna u badan yihiin ciidankii ku soo jabay Goojacadde.

Ilo xog ogaal ahi waxay sheegeen in Muuse Biixi intii uu joogay Ceerigaabo uu shirar la galay beelaha ay isku haybta yihiin, wuxuuna u sheegay in hadday Ceerigaabo  dagaal ka ridaan kaas oo dhex mara iyaga iyo beelaha Harti uu garab taagan yahay, ula jeedkiisuna uu yahay in ay dagaal ku dhiiradaan beelaha ay isku haybta yihiin.

Tan iyo markii Muuse Biixi ka noqday magaalada Ceerigaabo beelaha ay isku haybta yihiin iyo ciidamada ka amar qaataa waxay ahaayeen kuwo ku soo dhiiran bulshada aan la haybta ahayn ee reer Ceerigaabo.

Sida ay saadaalinayaa dadka xog ogaalka u ah deegaanka Sanaag Xaaladan cakiran ee taagan waxay sababi kartaa in uu qarxo dagaal dhexmara  beelaha deegaanka wada dega.

Waxaa isaguna arrinta Ceerigaabo maalmihii ugu danbeeyey si adag uga hadlay Axmed Karaash oo sheegay in Ceerigaabo ay ka fududahay Goojacadde, maantana ku celiyey in aan xaaladda Ceerigaabo laga aamusi karin.

Dagaalka ka qarxa  Ceerigaabo waa mid sababi kara in uu gaadho goobo kale oo badan.

Ceerigaabo Jidbaale.net

Leave a Reply

Your email address will not be published.