Today: Sep 13, 2025

Xaaladda Ceerigaabo Oo Kacsan Ka Dib Markii Xalay Lagu Dilay Muwaadin SSC-Khaatumo Ah, Axmed Karaash Oo Arrintaa Ka Hadlay.

1 year ago

Wararka laga helayo magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in  xalay lagu dilay magaalada Salmaan Aadan Cabdi. Wararku waxay intaas ku darayaan in ay dilkan geysteen Booliska Ceerigoobo rag ka tirsan kuwaas oo  ka soo jeeda dad taageera maamulka Somaliland.

Salmaan ayaa ahaa Muwaadin reer Ceerigaabo ah oo SSC-Khaatumo ah, waxaanay wararku intaasi ku darayaan in Salmaan isaga oo dhaawaca loo qaaday Cisbitaalka Ceerigoobo, waxaase gaadhigii lagu siday is hortaagay ciidan ka tirsan Booliska taageera Maamulka Hargeysa, wuxuuna dhiig baxa ugu dhintay Cisbitaalka Ceerigaabo.

Dilka Salmaan ayaa loo aanaynayaa ka dib markii uu aragtidiisa ka dhiibtay safarka Muuse Biixi dhawaan ku tagay magaalada Ceerigaabo, isaga oo muuqaal uu duubay ku sheegay in uu ka soo horjeedo odayaal Hartiya oo magaalada kula shiray Muuse Biixi, Ilaa maalintii uu muuqaalka duubayna lagu daba jiray, xalayna tacshiirad lagu furay.

Xiisadda magaalada ayaa kacsan, waxaana xaafaddaha laga taageero maamulka SSC-Khaatumo ka dhacaya rasaas xoogan, waxaana dilkaa ka dhashay kacdoon shacab.

Magaalada Ceerigaabo ayaa laba daamood u kala qaybsan iyada oo dhinacna laga taageero maamulka Hargeysa , dhinaca kalena maamulka SSC-Khaatumo.

Kala qaybsanaanta magaalada Ceerigaabo ayaa aad u soo muuqatay tan iyo markii dagaalku ka qarxay magaalada Laascaanood, waxayna kala qabsanaantani sii xoogaysatay markii deegaanka Sool laga soo saaray ciidamadii maamulka Somaliland.

Dhinaca kale Axmed Karaash oo hore u ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa ka hadlay dilka ka dhacay xalay Ceerigaabo, wuxuuna sheegay in markii hore ay u qorshaysnayd in uu hawlahan faraha kala baxo, oo Xajka iska aado , laakiin ay dantu ku soo celinayso hawlahan , xaaladda Ceerigaabana aan sidan lagu sii eegan karin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.