Today: Sep 14, 2025

Wasiirradii Ugu Badnaa Golaha Fulinta Maamulka SSC-Khaatumo Oo Gaadhay Buuhoodle.

12 months ago

Buuhoodle.(Jidbaale.net) -Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine ayaa kulan la qaatay xubno wasiirro ah oo ka tirsan golaha fulinta Maamulka SSC-Khaatumo  oo safar shaqo ku tagay magaalada Buuhoodle. 

Xubnahan wasiirrada ah oo kala ah Wasiirka Wasaaradda Maaliyada Mudane Cabdiqani Xaaji Xuseen Hiirad, Wasiirka Wasaaradda Caafimaad Dr Yuusuf Saleebaan Sancad, Wasiirka Xaannanada Xoolaha Dr Aadam Cabdulle Aw-xasan iyo Wasiirka Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha Mudane Jaamac Maxamdd Mursal ayaa gaadhay magaalada Buuhoodle ee xarunta Gobolka Cayn oo ay safar shaqo ku tageen.

Socdaalka Masuulyiinta ayaa daarran sidii loo dhaqaajin lahaa hawlaha hortebinta uleh maamulka gobolka, iyagoo daraasad ku samaynaya Deegaanka.

Muddo ku dhow hal bil Hogaamiye ku xigeenka Dowladda SSC-Khaatumo Mudane Dr. Shiine ayaa ku sugan caasimadda labaad ee maamulka SSC-Khaatumo Magaalada Buuhoodle halkaasi oo shaqada maamulka u joogo.

Waa tiradii ugu badnayd oo wasiirro ka tirsan golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo ah kuwaasi oo safar ku taga caasimadda labaad ee maamulka magaalada Buuhoodle.

In hogaamiye ku xigeenkii Dowladda SSC-Khaatumo uu hore ugu signa magaalada Buuhoodle haatanna ay Buuhoodle gaadhaan wafti wasiirro ah oo ka kooban ilaa shan Wasiir waxay tilmaamaysaa sida dowladda SSC-Khaatumo ay uga go’antahay daadajinta howlaha maamulka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.