Today: Sep 14, 2025

Wasiirka badroolka Soomaliya oo sheegay in madaxda SSC-Khaatumo ay ogyihiin heshiiska shidaalka Holhol.

12 months ago

 

Laascaanood(Jidbaale) :- Wasiirka Badroolka Soomaliya mudane Cabdirisaaq Cumar oo dhawaan hortagay golaha shacabka  baarlamaanka Soomaliya ayaa  laga weydiiyay heshiisyo la xidhiidha shidaalka Soomaaliya oo wasiirku sheegay in dhawaan la soo saarayo.

Ceelasha shidaalka ee heshiisyada lagu galay waxaa ka mid ah ceelka shidaalka Holholeed oo ku yaala dagmada Xudun ee gobolka Sool.

Arinta ceelka Holhol waxaa ka dhalatay hadal heyn badan, dadweynaha SSC-Khaatumo ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay qaarkood ay sheegeen inaanay suurtagal ahayn heshiis aysan dowladda SSC-Khaatumo waxba kala socon in lagu soo saaro shidaalka ceelka Holhol.

Xubnaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo ayaa heshiiskan soo dhaweeyay halka qaar mudanayaasha baarlamaanka SSC-Khaatumo ka mid ah ay ka soo hor jeesteen.

Dadka sida adag uga horyimid heshiiskan waxaa ka mid ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamulka Budlaan Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo sheegay in XFS aysan wakhti iskaga lumin shidaalka ceelka Holhol.

Wasiirka badroolka Soomaliya Cabdirisaaq Cumar oo waraysi bixiyay mar la waydiiyay waxa uu ceelka Holhol kaga duwanyahay xidhmooyinka shidaalka ee ceelasha kale ayaa ku jawaabay “ magaranyo wax uu kaga duwanyahay”

wasiirka badroolka Soomaliya ayaa yidhi annaga heshiis iska ma galno annaga oo aan la tashan madaxda maamul goboleedyada xukuma ceelasha shidaalka ee hishiisyada lagu galayo. Waxa uu yidhi  Wasiir Cabdirisaaq Cumar” Waan is ognahay madaxda mamulka Khaatumo, Wasiirka badroolka Khaatumo waan wada hadalnay, sidol kale madaxweynaha maamulka Khaatumo isna waan wada hadalnay oo waan is ognahay”

Waa markii ugu horraysay ee wasiirku sheegay in madaxda maamulka SSC-khaatumo ay is ogyihiin oo ku wada socdaan heshiiska shidaalka ceelka Holhol lagu soo saarayo.

madaxda maamulka SSC-Khaatumo sida Wasiirka Biyaha, Tamara iyo macdanta Cali dhakaawe iyo hogaamiyaha mamaulka SSC-Khaatumo cabdiqaadir Firdhiye ayaan ka hadal, hadalka wasiirka badroolka Soomaliya oo sheegay in madaxda Khaatumo ay ku wada socdaan is af-garadka heshiiska Shidaalka ee Holhol.

 

 

HALKAN KA DAAWO WARAYSIGA WASIIRKA BADROOLKA SOOMALIYA CABDRISAAQ CUMAR.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.