Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha SSC-Khaatumo ayaa kulan isbarasho iyo diyaar garow ah la yeelatay warbaahinta SSC-Khaatumo.
Wasiirka Dr. Jama Mursal ayaa warbixin ka bixiyey qorshaha koobka degmooyinka, isagoo ku booriyey warbaahinta inay doorkooda ka qaataan faafinta iyo dhiirrigelinta tartanka, si sawir wanaagsan looga bixiyo.
Kulanka ayaa lagu adkeeyey midnimada iyo kor u qaadista hibooyinka dhalinyarada deegaanka.
Wasaaradda cayaaraha iyo shaqada ayaa kulan is waraysi u qabatay dhalinyarada cayaaraha ee Buuhoodle
