War-saxaafadeed
Wasaarada hawlaha guud iyo gaadiidka, wasaarada arimaha gudaha,wasaarada beeraha, taliska guud ee ciidanka booliska SSC-Khaatumo,gudoomiyaha gobolka Sool iyo duqa degmada Laascaanood ayaa wada jir usoo saaray War saxaafadeed lagu farayo shacabka Ssc-Khaatumo talaabooyin lagu ilaalinayo dhulka lagagana hor tagayo Khilaafaadka ka dhasha Dhulalka inta badan la’isku qabsado.
Shirkan lagu soo bandhigay war saxaafadeedka waxaa goob joog ka ahaa:
Wasiirka wasaarada Hawlaha Guud, Agaasimayaasha Wasaarada Hawlaha Guud, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arimaha Gudaha, Agaasimaha Guud Ee wasaarada Beeraha, Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska,Gudoomiyaha Gobolka Sool, Duqa Degmada Laascaanood iyo Lataliyaha wasaarada Arimaha Gudaha.