Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo Meel fagaare ah ay dadweynuhu ku waydiiyeen Waydiimo la xidhiidha siyaasadda maamulka SSC-Khaatumo ayaa markii ugu horraysay caddeeyay xuduudda maamulka SSC-Khaatumo.
Hogaamiyaha oo bulshada caasimadda Laasacaanood kala qayb galay madal furan oo ay soo agassimeen Machadka cilmibaadhista iyo darasaadka Hubaal inistutate ayaa si Hunan uga jawaabay waydiimo dhawr ah oo waydiiyeen dadweynihii ka qayb galay madashaasi.
Hogaamiyaha oo Ła waydiiyay Xuduudda maamulka SSC-Khaatumo ayaa bulshada uga jawaabay isaga oo sheegay in axdiga km ah ee lagu dhisay maamulka SSC-Khaatumo uu qeexay xuduudaha biyokama dhibcaanka ah ee maamulka SSC-Khaatumo.
Hogaamiyaha oo dadweynaha ka hor akhriyay Axdiga km ah ee SSC-Khaatumo ayaa sidhi “ Madaxa koobaad maabaadiida guud Qodobka koobaad, farqaddiisa saddexaad waxay timaamaysaa soohdimaha maamulka SSC-Khaatumo, waa xuduudaha gobollada Sool, Sanaag iyo cayn ee SSC-Khatumo.
Sidoo kale Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane: Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali oo wax laga waydiiyay hadal dhawaan uu sheegay RW Soomaliya Xamse Cabdi Barre oo ahaa in SSC-Khaatumo ay u baahantahay inay raacdo tilmaamaha lagu noqon karo Maamul buuxa iyo shuruudaha, ayuu Hogaamiye Frdhiye ka yidhi. “ RW Xamse waxa uu sheegay waxa ku qoran dastuurka Soomaliya, innaga ayaa la’inaga rabaa inaan Ła nimmaadno sidii aan u raki lahayn shuruuadaha miisaska siyaasaddana u geen lahayn aragtideenna.
Sidoo kale Hogaamiye Cabdulqaadir Axmed ayaa sheegay in maamulka SSC_Khaatumo uu sannad ka dib ka bixi dodo kumeelgaarnimada, hogaamiyaha ayaa sheegay in La tori dodo nastuur rasmi ah oo uu leeyahay Maamulka SSC-Khatumo, dastuurkaas la ansixin doono kadibna la soo xuli doono baarlamaanka, baarlamaankuna dooran doonaan guddoonkooda intaa kadibna la qaban doono doorashada Hogaamiyaha.
Waa markii ugu horraysay ee Hogaamiye Firdhiye su’aalo lagu waydiiyo kulan madaleed-furan gudaha Caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo ee Laasacaanood tan iyo doorashadiisii, sidan oo kale Hogaamiye firdhiye ayaa Bishii Actober ee sannadkii tagay su’aalo loogu waydiiyay caasimadda Muqdisho oo uu safar shaqo ku joogay isaga oo wakhtigaas hogaamiyuhu ka qaybgalay dood cilmiyeed ay soo caban qaabiyeen macahadka cilmibaadhista iyo daraasaadka Heritage.