Today: Sep 13, 2025

Shir Albaabada Laysu Xidhay Oo U Dhaxeeya Maamulka SSC-Khaatumo Iyo Madaxda Dhaqanka Oo Ka Socda Laascaanood.

1 year ago

Laascaanood(Jidbaale.net):-Waxaa saaka ka bilowday magaalada Laascaanood shir qorshaysnaa maalmihii laga soo gudbay, kaas oo ay yeelanayeen madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo madaxda dhaqanka ee deegaanka.

Shirkan ayaa ula jeedadiisu tahay in marka hore layska waraysto sanadkii tagay waxqabadkii maamulka iyo sanadka soo socda waxa la doonayo in la qabto.

Waxa kale oo shirkan lagu lafa gurayaa sanad ka dib qaabka xaaladaha taagan loo maaraynayo, gaar ahaan sidii ku meel gaadhka looga bixi lahaa, isla markaana dowlad goboleed dhamaystiran loogaga dhawaaqi  lahaa deegaanka iyo sidii loo ballaadhin lahaaba.

Waxa kale oo shirkan lagu falanqaynayaa shir ballaadhan oo qorshuhu ahaa in dadka deegaanku isugu yimaadaan, oo ka mid ahaa qodobadii loo xilsaaray maamulkan muddada laba sano ee ku meelgaadhka ah ee uu xilka hayo, kaas oo qorshihiisu ahaa in bulshadu wax badan kaga tashato.

Ilo xog ogaal ah waxa ay sheegeen in shirkan lagu soo qaadi doono kaalinta madax dhaqameedka reer SSC-Khaatumo oo muddooyinkii ugu danbeeyey dhinac orod ku waday maamulka SSC-Khaatumo, labadiisa gole ee fulinta iyo sharci dejinta.

Ilahan u dhuun daloola shirka waxay  sheegayaan  in la filayo in Issimada runta loo sheego oo lagula taliyo in ay maamulka siyaasiga ah shaqadiisa u daayaan iyaguna ay ku ekaadaan goobahooda dhaqan, ayna yareeyaan micrifoonada ay goob walba isla soo taagaan.

Arrintan oo dhinaca maamulku aad u danaynayo ayaa ay adag tahay in Issimada qaarkood u dhago nuglaadaan maamulka maadaama intii halganku socday ay fidda baxeen taageero shacabna ay ku samaysteen ayuu xog ogaalku sheegay.

Shirkan oo aan maanta loo kala kici doonin dibna laysugu soo noqon doono ayaa waxaa hadheeyey arrinta ka soo cusboonaatay magaalada Ceerigaabo oo iyaduna lagu lafoguri doono.

Laascaanood Jidbaale.net

Leave a Reply

Your email address will not be published.