Deegaanka SSC-Khaatumo marka laga yimaado goobta Istiraatiijiga ah ee ku yaalo , waxaa u dheer Khayraadka kala duwan ee dhex jiifa deegaanka SSC-Khaatumo. Waana sababta keentay in shirkadihii sahamiyey dhammaan 18 gobol ee Soomaaliya ay Holhol/Sool iyo Afgooye/Shabelada Dhexe uga doorteen in sideetameeyadii riigaga shiidaalka qoda looga taagay Holhol iyo Afgooye, oo ay shirkaddii Conoco ee Maraykanka laga lahaa maalgashagi ugu samaysay dhamaadkii sideetameeyada.
Waxaana Mashruucii shiidaalka lagu soo saarayey hakiyey dagaaladii sokeeye ee dalka ka qarxay, taas oo ku khasabtay in shirkadihii shisheeye qalabkoodii gurtaan.
Wixii intaa ka danbeeyey waxaa isha si gaara loogu hayey deegaanka SSC-Khaatumo oo marna ma qarsoonayn damaca laga lahaa arrintaasi , wuxuuse damacaasi soo xoogaysatay intii maamulka gooni goosadka ah ee “Somaliland” soo gaadhay deegaanka SSC-Khaatumo.
Markaas ayey heshiisyo kula galeen shirkado Norwegen ah oo shiidaalka ganacsada, waxayna kaga qaateen dhaqaale aad u badan, dhawr jeerna sahamo ayey u soo diray deegaanka Holhol shirkadahaasi. Wuxuuse markasta ahaa Yoolku sidii ceelka Holhol shiidaalka jiifa loo gaadhi lahaa.
Intaas oo dhan waxaa jiray rag deegaanka ka tirsan oo markasta dhinaca “Somaliland” dilaalnimada kula socday, waxa kale oo muddooyinkii ugu danbeeyey qayb ka ahaa shirkada HASS qaybteeda uu dhawaan la wareegay Dahabshiil oo markasta doonaysay in ay saamayn ku yeelato odayaal deegaanka saamayn ku leh.
Arrimahan ayaa soo baxay markii dawladda dhexe ee Soomaaliya gashay heshiis lagu soo saarayo Shidaalka Holhol, oo iyadu awood u leh in ay heshiisyo caalamiya oo caddaalad ku dhisan saxeexdo iyada oo dalka Soomaaliya oo dhan matalaysa, mas’uulna ka ah. Waxaana muuqata in heshiiskaa dawladda Soomaaliya saxeexday iyada oo uu ka warqabo maamulka SSC-Khaatumo in ay jihooyin badan ka cadhaysiisay.
Jidbaale Editorial