Maalin maalmaha kamida waxaan la kulmay qiso dhexmartay oday kamida cashuur qaadayaasha dawlada hoose iyo gabadh meherad haysta.
Waxay dhawr jeer hore ku tiri bixin maayo cashuurta wuu ka tagay maalintii danbe anigoo dukaankii gabadha taagan baa odaygii cashuur qaadahaa yimid.
Markaysay ku tiri adigu ma quusatid miyaa galab walba waxaan ku dhahay bixin maayo waad soo lugoysaa.
Adaygii cashuur qaadaha baa ku yiri gabadhii adeeray lacagta cashuurta anigaa numbarkayga kaaga dirayaa asxaan waxaad samaysaa markaan lanbarkaaga ku soo diro adigu waxaad ku wareejisaa acconka cashuur bixinta dawlada hoose.
Gabdhii intay isku xishootay bay tidhi adeer iga raali noqo anigaa iska bixinaya maalin walba warqada ii jar.
Waa waxay gabadhii dareentay in ay tahay muwaadinad iyo mulkiilaha maamulka in ay tahay