Today: Sep 14, 2025

Shangeed iyo Wararkii u Danbeeyey

1 year ago

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya iska horimaad Kooban oo galinkii hore ee Maanta ka dhacay deegaanka shangeed.

Labo gaadhi oo Ciidan ah oo ay leeyihiin Maleeshiyaadka deegaanka Qorulugud ayaa weerar gaadmo ah ku soo qaaday fadhiisinka hore ee Ciidamada ssc khaatumo ee deegaanka shangeed.

Waxaana Halkaasi ka dhacay iska horimaad dhexmaray Ciidamada ssc khaatumo iyo Maleeshiyaadkasi weerarka soo qaaday, Ciidamada ssc khaatumo ayaana baacsaday Maleeshiyaadkii weerarka soo Qaaday Waxana dib loogu celiye duleedka Qorulugud.

Taliyaha Ciidanka ssc ee Gobolka Cayn Farxaan Mohamud Jamac oo goor dhawayd talefoonka kula hadlay Warbaahinta Ayaan u xajiiye in Maleeshiyaadkii soo weerar tahay la baacsaday oo Dib loo celiye Xaaladu tahay tahay Mid degan.

Maleeshiyaadka deegaanka Qorulugud Uma adkaysan karaan inay iska difaacaan Ciidamada ssc khaatumo oo ah Ciidamo geesiyaal ah.à.

Leave a Reply

Your email address will not be published.