Today: Sep 14, 2025

Roobkii dayrta ayaa maansheeyey dhamaan degaamada ku xeeran Laascaanood

11 months ago

Waxaa roob mahiigaan ah oo dhulka oo dhan biyo dhigay ilaa shalay ka da’ayey degaamada SSC-khatumo , maanta ayaa roob aad u balaadhan meel walbana biyo ka soo rogay, ka ada’ay laascaanood roobkan ayaan wax dhibaato ah yeelin dadka iyo duunyadda.

Roobka ayaa Allah shubay xilli dadku ka baqayeen abaar, nimcada Eebbe ayaa dadka iyo duunyadaba qalbigooda sare u qaaday kuna wada faraxsan yihiin in kulaylkii ber yahan jiray EEbbe ugu naxariistay, ilaa hadda lama soo sheegin dhibaatooyin roobku gaystay, roobku waxuu is hayaa degaamo aad u balaadhan oo meel walba biyo dhigay baliyadda iyo jidhaamahuna waa buuxaan togaguna waa rogmanayaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.