Garaad Cabdikariin Cali Nuur oo kamid ah Isimada dhaqanka ee SSC Khaatumo ayaa subaxnimadii 25 August 2023kii isagoo dhinac taagan Askartii Goojacade kaga guuleysatay ‘’Soomaaliland’’ la weydiiyey saaka kawaran? Wuxuu kajawaabay; “Waa subax lasugayay”! Halkaas ayaan ciwaanka xuska sannad guurada laga soo dheegtay. Jawiga subaxaasi wuxuu ahaa mid qormadan lagu qeexi karin, laguna soo gudbin karin, hayeeshee aan kalmado kooban ka nidhaahno subaxaas.
Guud Mar Kooban:
Tan iyo markii maamulka Soomaaliland gacantiisa ku dhacdey magaalada Laascaanod October 15, 2007. Waxaa socday dadaalo kala duwan kuwaasoo ku saabsanaa sidii Maamulka ‘’Soomaaliland’’ looga saari lahaa loogana sifayn lahaa Laascaanod iyo Gobolka Sool, kulamadaas waxaa ugu horreeyey shirkii ka dhacay Boocame Bishii November 27, 2007. Go’aamadii shirka ka soo baxay waxaa ugu waaweynaa in aysan dadka reer SSC marna ka mid noqon wax heshiisa ahna aysan lagalin maamulka ‘’Soomaaliland’’, adkaynta midnimada bulshada, midnimada dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo in deegaanka si deg deg ah looga sifeeyo maamulka ‘’Soomaaliland’’ magaalada Laascaanod. Intaas ka dib waxaa kaloo dhacayey shirar iyo isku dayo badan iyo dadaalo marba heer joogay. Dadaaladas waxaa ka mid ahaa, shirkii hoggaanka siyaasadda SSC ee Nayroobi-Kenya lagu dhisay Octoober 2009-kii ee labaxay Horseed, shiirkii Buurawadal Feb 8, 2010 ee Golaha Khusuusiga, ka dib markii laga soo wareejiyey magaalada Holhol oo maamulka ‘’Soomaliland’’ diiday shirkaas Isimada ah inuu ka furmo. Shirkii Buurawadal waxaa ka soo baxay samaynta guddi siyaaasadeed iyo samaynta golaha khusuusiga. Kal-fadhigii ugu horreeyey khusiisigu wuxuu dhacay Bishii maarso 17,2010 waxayna ku doorteen Gudoomiyaha khusuusiga Col. Cabdirisaaq Gacamay, waxayan ansixiyeen hoggaanka Siyaasadda Saleeban Xogla-toosiye iyo ku xigeenkiisa Col Cali Sabaray. Waxaa xigay kii shirarkii khaatumo 1 iyo 2 ee London-Ingiriiska ee bartamihii 2011 kii i iyo shirkii ugu weynaa ee maamul dhiska Khaatumo ee Taleex December, 2012, iyo Shirkii Jigjiga 15, December 2022. Dhamaan dadaaladani iyo kuwo kaleba waxay daarnaayeen in deeganka Sool, Sanaag iyo Cayn laga saaro maamulka ‘’Soomaaliland’’. Dadaaladaasi waa qaloocdeen marar badan oo ay sababteeda lahaayeen shaqsiyaadka hoggaanka loodhiibayey, hayeeshee hadafka guud ee bulshadu marna maqaloocan
Bilawgii Kacdoonkii Buluugga:
26 December 2022kii, goor fiid ah waxaa badhtamaha magaalada Laascaanood lagu diley allaha ha unaxariistee Cabdifataax Maxamed Cabdullaahi ‘Hadraawi’ . Dilkiisu wuxuu kamid ahaa tiro dad ah oo 120 qof gaadhayey oo magaalada lagu diley tan iyo markii ‘’Soomaaliland’’ magaalada timi 15 October 2007-dii badankoodna cid dishey lagaranayn. Dadka magaalada lagu diley waxay ahaayeen haldoorkii iyo aqoonyahankii magaalada. Isla habeenkii waxaa magaalada ka bilowdey mudaharaadyo shacabku dhigayeen iyagoo dalbanaya in la helo cidda dadka laynaysa, habeenkaas wixii kadambeeyey waxaa magaalada laxidhey ganacsigii, waxbarashadii waxaana istaagay noloshii asaasiga ahayd ee bulshada. Shacabka mudaharaadayay waxay wateen dhagax iyo ulo majirin cid qori wadatay, dadweynihii dalbanayay in xaaladda taagan wax laga beddelo, waxay lakulmeen in laga dilo dhowr iyo labaatan qof, tiro kabadanna la dhaawaco. Muuqaallada xilligaas magaalada laga duubi jirey waxay muujinayaan qoryaha waaweyn oo si aan kala sooc lahayn loola dhacayo dumarka iyo carruurta dibadbaxa dhigayay.
December 28, dadka mudahaaradada lagu dilay waxaa ka mid ahaa Shahiid Cabdishakuur Jimcaale ee kalmadiisi ahayd ‘’ Hala wada dhinto intii daryeel xumo lagu noolaan alahaa’’ ay halgankii dhiig cusub ku shubtay loona aqoonsaday shuhadadii ugu horreeyey ee halganka lagu dilay.
Intaas kadib, magaalada waxaa lagaliyey cunaqabatayn dhankasta ah, waxaa la xidhey isgaarsiintii oo magaalada lafdhabar u ahayd taasoo lacagaha danabaysan laga isticmaalijirey waxaana la xidhey shirkadihii korontada bixin jirey. 31 December 2022kii waxay Issimadda deegaanku isla garteen in shir degdeg ah laysugu yimaado. Illaa laga soogaarayay 4 Jnauray halganka ka bilowdey dilkii Hadraawi waxaa uu ahaa halganka dhallinyaradu hormuud ka tahay.
4 bishii January 2023kii fiidnimo xilli ay tahay magaaladuna dansantahay waxaa ciidanka ‘’Soomaaliland’’ toogteen Maxamuud Cali Saadle dilkiisii wuxuu dhaliyey kacdoonka qaybtiisii labaad “kacdoonkii qoriga” oo awal kacdoonku wuxuu ahaa mudaharaad nabad ah, dhallinyaro is abaabushay ayaa saacado yar kabacdi weerar kuqaadey ciidamadii diley Maxamuud Cali Saadle dagaalkaasi wuxuu sababay in ciidamadii ‘’Soomaaliland’’ iskaga baxaan gudaha magaalada walow aysan ka fogaan waxayna furin ka dhigteen Hutel Xamdi iyo dhinacyada magaalada. 6 January 2023kii guddi ka kooban 33 xubnood oo beelaha laga soo xuley ayaa la magacaabay, waxaana looxilsaarey inay qaban qaabiyaan shirka Isimada iyo waxgaradka kale ee daagaanka kaga arrinsanayaan aayaha deegaamaada. 28 feberaury 2023kii shirkii ayaa furmey wuxuuna socdey illaa 6 febraury 2023kii maalintaas oo loo ballansanaa in lagu dhawaaqo go’aammadii gunaanadka shirka, intii aan lagu dhawaaqin go’aannadii waxaa dagaal ka bilowdey laba Aag oo ay Isimada qayb kamid ah degenaayeen, sida dad badani xaqiijiyeen ciidamada ‘’Soomaaliland’’ waxay magaalada usoo weerareen si ay ujoojiyaan baaqa shirka oo dadku wada ogaa waxa ku qoran iyo inaysan ufiicneyn Soomaaliland qodobada kasoo baxaya.
Go’aammadii Ka Soo Baxay Shirkaas Waxaa Ugu Waaweynaa Qodobadan:
1- Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamulka ‘’Somaliland’’, isla markaana aanaan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni goosadka.
2-Deegaanka SSC-Khaatumo waa maamul waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa soodhaweysey go’aamadii kasoo baxay shirka, wasiirkii arrimaha gudaha xilligaas Axmed Macalin Fiqi oo shir-jiraa’id qabtay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan go’aankii kasoo baxay waxgaardka iyo Isimada dhaqanka ee Laascaanood, dhanka kale Maamulka Puntland madaxweyne kuxigeenkiisii wakhtigaas Axmed Cismaan Karaash ayaa isna soodhaweeyey go’aamada iyo bayaankii Isimada.
Gala Dagaalka 06.02.2023
06.02.2023 Dagaalkaas bilowdey ee dhaliyey qaxa, dhimashada, burburka magaalada iyo khasaaraha weyn ee aan lasoo koobi karini wuxuu soo idlaadey 25 August 2023kii.
Intii uu socdey waxaa dagaalka ku dhintay rag iyo dumar badan oo dhallinyaraddii iyo haldoorkii deenkaaga oo qaarkood Soomaaliya magac kulahaa sida Abwaan Jaamac Kediye Cilmi oo madfac lagu diley 16 August 2023kii, abwaanka waxaa la wareiyey inuu diidey in magaalada maatada iyo waayeelka laga qixiyey inuu ka qaxo, wuxuu kamid noqdey dadkii sida arxandarrada ah madaafiicda loogu laayay, bilowgii koowaad ee aysan dadku ka qixin waxaa madfac lagu diley 7 carrur ah iyo hooyadood, waxaa kale iyana kudhintay cuqaal deegaanka caan ka ahayd sida Jaamac Maxamed Mire “Amiir Digaale” oo 75 sano jira ahaa oo isna madfac subax isagoo hurda ku dhintay 13 august 2023kii.
Taariikhda Soomaalida ee casriga ah wuxuu noqonayaa dagaalkii ugu muddo dheeraa ee magaalo dhexdiis kadhaca, wuxuu caan kuunoqdey madaafiicda waaweyn oo aan loo meel dayin, muuqaaallada lagu dhex arki jirey waxay ahaayeen askar ‘’Soomaaliland’’ oo caytamaysa oo qoriga howitzer cabbaysanaya oo magaalada kuridaya, wuxuu noqonayaa dagaalkii ugu khasaare badnaa ee dhawaanahan dhaca, sida ay sheegeen hay’adaha qaxootigu dad gaarayaa 300 oo kun qof ayaa kaqaxay Laascaanood.
25 August Maxaa Laga Baran Karaa?
- Dagaalladii Soomaalida dhex mari jirey qarniyadii hore iyo kan lagu jiro waxay dhaliyeen aragti xaqiiq noqotay oo ah in Soomaalidu ismuquunin karin, sikasta oo ay qolo kamid ahi awood u yeelato in marka dambe cidda awoodda isbida laga itaal roonaado halkaasna uu kudhammaado dagaalka kumannaanka qof kudhinteen. Maamulka ‘’Soomaaliland’’ wuxuu diidey waxkasta oo bulshada caalamka, dawladda Soomaaliya iyo waxgaradka Somaaliduba usoojeediyeen oo ah in ciidamadiisa kalabaxo dhulka reer SSC Khaatumo, hayeeshee maamulka ‘’Soomaaliland’’ wuxuu diidey xalkasta oo nabdeed oo lasoojeediyey. 19 kii bisha May 2023kii, madaxweynaha maamulka ‘’Soomaaliland’’ wuxuu ku hanjabay in isagu hayo furaha dagaalka taasina ay meesha ka saartay baaqyadii lagaga dalbanayay in ciidamadiisa geeyo Oog.
- Arrinka labaad ee laga baran karo dagaalkii Goojacade wuxuu ahaa, in ciidan hubeysan ee cadhaysan laxakameyn karo xilkasnimo iyo garasho weyn haddii lamuujiyo si ay san u geysan wixii ‘’Soomaaliland’’ geysatay intii dagaalku socdey. Maamulka SSC Khaatumo, hoggaanka dhaqanka iyo culimadii uu hoggaanka u ahaa Shiikh Aadan Weli waxay ka shaqeeyeen sidii ciidamada guuleystay aysan udhaafi lahayn Guumeys ama barta Salinta ladhaho oo ah xilligan xuduud qabiileedka beesha Isaaq iyo Dhulbahante. Tallaabadani laba faa’iido ba waa u yeelatay reer SSC Khaatumo, kow: bulshadii Soomaaliyeed iyo bulshada caalamkuba waxay boggaadiyeen sidii maamulka SSC Khaatumo iyo waxgaradkooduba udhaqmeen guusha dabadeed, taasoo caddeysey in dadka deegaanka SSC Khaatumo muujiyeen dulqaad weyn, walow dhallinyarada iyo dadka dadkoodii ladiley ay tiro beel ahaayeen. Laba: inaan wax dulmi ah oo lamid ah kii maamulka Soomaaliland sameysey lasameyn, dad aan waxba galabsanna ladilin. Waa cashar weyn oo Soomaalidu kala dhaxli karto.
- Dadka oo isku wacyi noqoday isku duubnida beelaha iyo haybtu doorka ay kaqaadato in wax ladhiso ama la dumiyo iyo sidoo kale awoodda midnimada beelaha inay dhaliso waxkasta oo inay dhacdo adkeyd.
Gabagabadii, dhacdadani waxay keentay isbedel weyn oo Geeska Afrika kadhacdey, gaar ahaan Soomaaliya, waxaa soobaxay maamul SSC Khaatumo lagu hirgaliyey oo ku dhashay dhiig iyo xabbad kaasoo maanta kuleh saameyn xooggan Soomaaliya.
Waxaase isweydiin mudan maamulka ‘’Somaliland’’ cashar ma ku qaadan doonaa wixii ku dhacay iyo wuxuu geystay?
Jidbaale Editorial