Today: Sep 14, 2025

MUQDISHO: Ninkii Xaaskiisa Gubay ee Sayid Cali Oo Mar Saddexaad Dil Toogasho Ah Lagu Xukumay.

12 months ago

Muqdisho (Jidbaale.net) -Sayid Cali Macalim oo ku eedeysnaa dilka xaaskiisa ayaa ugu dambeyn Maanta laga gaadhay go’aankii ugu dambeeyay ee maxkamadda sare ee Dalka.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diiday rafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud
xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay ayay Maxkamadda sare iyaduna go’aan ku qaadatay.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa aqriyay go’aanka Maxkamadda sare ee dalka.

Sayid Cali ayaa ku eedeysnaa in uu xaaskiisa dab qabadsiiyay isla markaana ay u geeriyoota

y. Kiiskan Sayid Cali Macallin Daa’uud ayaa soo maray wajiyo badan, Isaga oo soo jiitamayay ku dhawaad shanbilood, Sayid Cali ayaa nolosha gubay Xaaskiisa oo uur u lahayd.  qareennada u doodaya Sayid Cali ayaa sheegay inuu san si badheedh ah u dilin xaaskiisa hayeeshee qorshihiisu in uu alaabta Jiifka ee qolalka hurdada oo u tiilay in uu gubo ayuu ahaa qoreshihiisu sida ay ku doodayaan Qareennada Kiskan.

 

ehelada Luul oo Dilkeeda loo hays Sayid Cali aya warbahinta marar badan ka soo muuqday iyaga oo ka cabanaya cadaladda, hayeeshee kiiska maxkamadaynta Eedaysane Sayid Cali oo maray Saddex maxkamadood ayaa dhammaan dil toogasho ah ay ku xukumeen.

 

maanta marii ay Maxkmadda Sare go’aanka gaadhay  waxaa la’arkayay Dad warbaahinta ka hadlaya oo leh lama toogan karo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.