Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa booqday mid ka mid ah xeryaha ciidamada milateriga SSC-Khaatumo tan ugu faca weyn ee Gen Bashiir Beydan.
Hoggaamiyaha oo ku hawl jira safarkiisii shaqo ayaa xeradan ugu tegay cutubyo ka mid ah ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo. Kuwaas oo gacanta ku haya Xerada iyo hubka Culus ee madaafiicda.
Booqadasha ayaa Hoggaamiyaha waxaa ku weheliyey qaar ka mid ah labada gole ee dawladda, Taliye ku xigeenka ciidanka Daraawiishta iyo Taliyaha qaybta Gobolka Cayn iyada oo uu halkaas kusoo dhaweeyey Taliyaha Xerada.
Ugu danbayn, Hoggaamiyaha ayaa saraakiisha iyo ciidanka ku bogaadiyey doorkooda geesinnimada leh ee ay ku ilaalinayaan nabadda iyo xasilloonida deegaannada SSC-Khaatumo.
Mudane Cabdulqadir Axmed Aw-cali ayaa booqday xerada madaafiicda ee Gobolka Togdheer
