Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Mudane: Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa maanta kulan aan caadi ahayn la yeeshay baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo kulankaas oo ka dhacay xarunta KM baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo oo ku taala caasimada maamulka ee magaalada Laasacanood.
Kulankan oo ahaa shir xasaasiya ayaa hogaamiyuhu waxa uu ka jeediyay qudbad dastuuri ah oo uu kaga warbixiyay siyaasadda guud ee maamulka sida siyaasadda kala guurka ah ee geeddi-socodka maamulka SSC-Khaatumo, arrimaha ciidanka, dhaqaalaha iyo ammaanka.
Sidoo kale hogaamiyaha maamulka ayaa qudbaddiisa kaga hadlay dastuurka iyo arrimaha shidaalka ee celka holhol oo maalmahan ay dood adag ka taagnayd.
Ugu horrayn madasha shirkan oo ay goobjoog ahaayeen in ka badan 28 xildhibaan ayaa lagu daah-furay aayadaha quraanka kariimka ah ee qowlka Eebbe iyada oo uu akhriyay Sheekh Aadan weli oo xubin ka ah baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo.
Kadib aayadaha quraanka, waxaa la guda galay tirinta baarlamaanka iyada oo sida xeer hoosaadkaa baarlamaanka uu qorayo ay tahay in la’ansixiyo kooramka oo ansax ku noqda wax ka badan 23 xildhibaan marka la joogo baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo.
Goortii uu buuxsamay kooramku waxaa shirka furay Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka SSC-Khaatumo Mudane: Jaamac yaasiin Warsame isaga oo baarlamaanka u sheegay in kulankan uu dalbaday hogamiyaha maamulka SSC-Khaatumo islamarkaana uu ka jeedin doono qudbad dastuuri ah taasi oo ku gedaaman xaaladaha siyaasadeed ee dowladda.
Intaa ka dib, Hogaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Cabdiqaadir Axmed Aw-Cali ayaa si toosa u bilaabay Qudbadiisa isaga oo kaga hadlay dhinacyo badan oo la xidhiidha hiigsiga siyaasadda maamulka iyo dhammaystirka xaaladaha haatan taagan ee siyaasiga ah.
Sidoo kale hogaamiyaha waxaa kulankaan ku wehelinay xubno ka tirsan golaha fulinta oo iyaguna goobjoog ka ahaa madashan.
Goortii uu hogaamiyuhu dhammeeyay qudbaddiisa ayaa la soo xidhay shirka mana jirto su’aalo la waydiiyay hogaamiyaha madaama xeer-hoosaadka baarlamaanku uu dhigayo in hogaamiyaha markan oo kale laga dhagaysto qudbadda oo keli ah, iyada oo wixii waydiimo ahna baarlamaanku uu dib u qabto kulan kale oo loogu yeedhayo hogaamiyaha.
Si kastaba ha noqotee shirkan oo hore loo iclaamiyay ayaa baaqday 14-kii bishan kadib markii uu buuxsami waayay kooramku.
Tan iyo intii uu jiray mamulku waa markii koobaad ee hogaamiyaha maamulku uu si toos ah u dalbado baarlamaanka isla markaana uu u jeediyo qudbad uu kaga xog bixinayo siyaasadda guuud ee maamulka, taasi oo muujinaysa xaaladda xasaasiga ee haatan ay marayso siyaasadda maamulka SSC-Khaatumo.