Astaamaha lagu garto maamul wanaaga waxaau ah udub dhexaad cadaalad dadka aan loo kala eexan, iyo samafal dadka itaalka daran la gaadhsiiyo, isku filaansho lahaansho ah oo qof waliba dhinaca kale ka hayo waxii dadka iyo danta wanaageedu ku jirto iyo tilmaameedyo badan oo lagu arkay indhaha aan laga qarsan karin mid maamulka neceb iyo mid jecelba in SSC-Khatumo tahay maamul aan cidina loodin karin dadkiisuna ilaashanayo.
1. Maamul sanad dhisan balse dhistay 16 Wasaaradood/Hey’adood, Maamul Saddex Gobol wada gaaray, Ciidamada qaybahooda kala duwan oo gaadiid ku qalabaysan iyo mas’uuliyiin aan mushahar qaadan balse subixii 08:00 da shaqa gala, shaqadana ku qanacsan.
2. Maamul aan horay u jirin oo hadana xakameeyay islamarkaana xasiliyay amniga gudaha, ka hortagay colaadaha gudaha iyo xad-gudubyada iyo falal danbiyeedyada goob lagu dagaalamay ka dhaca dagaal kadib sida tacaddiyada Budhcadda, Dilka, Kufsiga iyo ka ganacsiga hubka sharcidarrada ah.
3. Maamul ku guulaystay ilaalinta iyo daryeelka Maxaabiis u xiran danbiyo dagaal, iyada oo aysan cidina ka taageerin.
4. Maamul aan ile dhaqaale horay u lahayn balse iskutashaday, aan taakulana ka sugin cid kale.
5. Maamul ay hilmaameen Hey’adihii Federaalka iyo kuwii Caalamiga ahaa ee Soomaaliya u maamula deeqaha bini’aadannimo iyo mashaariicda horumarineed
6. Bulsho la timi ficil dowlad dhis iyo daah furnaan maamul. Maamul dakhli ku aruuriyay muddo kooban lana yimi siyaasadda u tartankaa furan ee shaqaalaha Dowladda.
7. Bulsho daryeelata intii ka dhaawacantahay ama u dhimatay, iyo qurbajoog gudaha dadkooda jooga, dibu dhis iyo daryeelna la diyaara.
8. Maamul ay horyaallaan mawjado siyaasadeed, mintid se ah oo madal walba waxaan qaddiyadooda ahayn la marsiin karayn.
9. Maamul ay majaraha u hayaan da’yar dowlad jecel, duqowdana aan ka yeelin in ay marinka ka leexdaan.
10. Bulsho 9 bilood dagaalamaysay, magaaladii laga dumiyay, 200k qofna laga barakiciyay, hadana dib u dhis iyo dowlad-dhis u jihaysatay.
Intaas oo qodabood oo kor ku xusan waxaa laga dheegan karaa in dhabadii horumarka, ismaqalka iyo lahaanshaha aan cidina ka qarsoonayn qof gaar ahna aan lagu eegayn ee qof walba lee yahay yar iyo wayn maxaan qabtaa.