Golaha fulinta Maamulka SSC-Khaatumo iyo Golaha sare ee dhaqanka deegaanka ayaa dhawaan yeeshay Shir hal ku dheg looga dhigay yahay ( shirka wada tashiga Golaha fulinta Maamulka SSc-khaatumo iyo Golaha Sarę ee dhaqanka )
, shirkani waxa uuu socday laba maalmood.
Kulamada waxa soo agaasintay Madaxtooyda SSC-khaatumo. Shirarkaasi waxa ay daarranaayeen oo lagu faaqiday geedi socodka siyaasadda maamulka, difaaca iyo dhaqaalaha.
Ugu horrayn golaha fulinta maamulka ayaa golaha dhaqanka la wadagay tubta lagaga bixi karo nidaamka KM oo haatan SSC-khatumo loo aqoonsanyahay.
Golaha Fulinta ayaa sheegey inay diyaariyeen waddada lagaga gudbayo KM oo sannadka soocda lagu dhamaystiri doono maamul dhammays ah sharciyad ahaan oo aan KM ahayn.
Golaha fulinta ayaa sharraxaad ka bixiyay sida ay wax u doonayaan iyo tubta ay marsiinayaan geeddiga dhisme ee maamulka.
Sida ay sheegeen ilo xog ogaal ahi waxaa muuqda kala duwanaasho aragtiyeed oo u dhaxaysa Golaha fulinta maamulka iyo golaha dhaqanka ee SSC-Khaatumo sida loo wajahayo xaaladda sannad ka dib.
Isimmadu waxay qabaan in la soo hormariyo kala gurashada iyo shirka beelaha Harti isla markaana la soo dadajiyo. Halka golaha fulintuna ay ku doodayaan in xoogga la saaro ka bixista KM iyada oo loo marayo dastuurka oo la dhamays tiro, dababdeedna sidaas lagu qabto doorashooyinka Guudoonka baarlamaanka iyo hogaamiyaha maamulka.
Kulammadan qodobadii ka soo baxay saxaafadda lalama wadaagin oo hoos ayaa loo dhigay. hayeeshee labada dhinac waxay is dhaafsadeen laba nuqul mid golaha fulinta ayaa diyaariyay oo waxaa la soo bandhigay issimada maalintii koobaad ee shirka, midna waxaa diyaariyay golaha dhaqanka Sare oo maalintii danbe ayey shirka lagu soo bandhigay wuxuuna ahaa jawaab talo bixin ah oo qodobadii maalintii u horaysay la soo bandhigay lagaga jawaabeyey.
Sida ilo xog ogaal ahi sheegeen nuqulka ka soo baxay Isimmada deegaanka waxaa ciwaan looga dhigay “Tala bixinta golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo”. Iyada oo ciwaanka hoose ee nuqulka lagu dhigay.
Nuqulkan waxa uu ka koobnaa laba bog, waxaa ku taariikhaysnaa 3 September 2024. Isimmada deegaanka ayaa tala bixintooda ku bilaabay:
Golaha sare ee dhaqanku Wuxuu dhiirrigalinyaa kulammada wada wad-tashiga ah ee golayaasha SSC-Khaatumo iyo golaha Sare ee dhaqanka deegaanka. Golaha isimmada deeegaanku waxay ka dhageysteen golaha fulinta , warbixino mug leh oo koobaya howl qabadkii xukuumadda sannadkii tagay iyo qorshayaasha Golaha Fulintu jaangooyeen inay ku beegaan sanadkan ka hadhsan mud xileedkooda.
Golaha sare ee dhaqanku waxa uu si qoto dheer u dhuuxay qodobadii hortabinta lahaa ee golaha fulintu soo hordhigay isla markaana ka yeeshay shir doceedyo u Gaara. Isiimadu waxay talada ku soo ururiyeen saddex qodob oo midkasta faah faahin laga bixiyay.
Sadexda qodob ee Issimadu is dultaageen waxay kala ahaayeen:
Dhaqaalaha waxa sheegeen Isimmada inay adkaynayaan muhiimadda qorshe dhaqaale uu u leeyahay horesocodka maamulka ugubka ah.
2.Arrimaha difaaca golaha Issimadu wuxuu dhiiri geliyey taabbo gelinta iyo derder gelinta haayadihii sirdoonka iyo Booliiska iyo in la xoojiyo ciidamada qalabka sida ee difaaca heeganka u ah..
3. Qorshaha Geed-socodka SSC-Khaatumo waxay Issimadu booriyeen Si geeddigu uusan inooga kala hadhin, loona guuro geeddi hanaqaada waxaa laga maarmaan ah turxaan bixin iyo daawaynta khilaafaadka ka soo muuqday golayaasha maamulka.
Qodobka saddexaadna waxay faah faahin dheer isimmadu ka bixiyeen sidii loo diyaar garoobo lahaa hirgalinta geeddi socodka si waafaqsan axdiga maamulka qodobkiisa lixaad farqaddiisa 5-aad.
Sidoo kale waxaa qoraalka issimada lagu qeexay in la dar dar galinayo wada hadalka walaalaha Puntland, isla markaana la sii anbaqaadi doono socdaalkii mahadcelinta walaaladii soo gurmaday iyo abaabulka shirkii dhaqanka Harti.
Ugu dambayntii talada Issimada ayaa lagu soo afmeeray talo ay ka bixiyeen muddeynta hawlaha horyaala geed socodka iyo taabbo gelinta arrimaha hortabin leh ee maamulka SSC-Khaatumo nuqulka waxaa ku shaanbadaysan.