Khudbadii Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw Cali “Firdhiye” ka jeediyay Golaha dhexe ee maamulka SSC-Khaatumo July-16-2024kii, wuxuu hoosta ka xarriiqay sagaal arrimood oo xukuumaddiisa hor-tabin u leh lixda bilood ee soo socota, waxaa kamid ah qodobkan hoose ee aynu qoraalkeenna ku faaqi doono:
Xaqiijinta iskaashi iyo wada-shaqayn buuxda oo dhexmarta maamullada SSC-Khaatumo iyo Puntland.
Iskaashi buuxa oo xilligan dhex-mara maamullada Puntland iyo SSC-Khatumo waa arrin baaxaddeeda leh, saamayn sharci iyo mid siyaasadeedna ku yeelan doonta maamullada Puntlaand iyo SSC-Khaatumo, waxaana ku ladhan qodobka oranaya dhammastirka maamulka iyo ka bixida marxalada ku-meel-gaarnimada, waana qodobka 6-aad ee hortabinta u leh xukuumadda Hoggaamiye Firdhiye.
Inkasta oo ay fududdahay in qoraal ama afka laga sheego arrinta iskaashi buuxa ee SSC-Khaatumo iyo Puntland, haddana arrintu aad ayay u gudo balaadhan tahay sida ay u muuqato. Su’aalaha is-waydiinta mudan ayaa ah; xaggee laga bilaabayaa iyo sidee loo bilaabayaa iskaashi buuxa oo dhexmara Puntland SSC-KHaatumo?
Dooddan waxaan ku samayn doonaa is-dul-taag guud, innagoo isku dayi doonna inaan isku soo dhawaynno aragtiyaha kala duwan, waxaanna soo jeedin doonnaa talooyin aan isleennahay waxay caawin karaan labada hoggaamiye–waa Firdhiye iyo Deni e.
Axdiga ku-meel-gaarka ah ee SSC-Khaatumo wuxuu sheegayaa in muddo labo sano ka dib la qabto shirweyne, kaas oo looga arrinsayo dhammaystirka maamul SSC-Khaatumo. Ujeedka qodobkan Axdiga loogu lifaaqay ayaa looga dan lahaa in marxaladda dagaalka kadib looga gudbo shirweyne guud, oo ay yeeshaan dadka deggan Gobollada Sool, Sanaag yo Togdheer, shirkaas oo hordhac u noqda Dawlad-Goboleed buuxa oo ay yeeshaan dadka deggan gobollada Sool, Sanaag iyo Togdheer.
Waxaa iyana laga maarmaan ah qabashada shirwayne dhex mara maamullada Puntland iyo SSC-Khaatumo, shirkaas oo isugu jira shir dhaqan iyo mid siyaasadeed, kaas oo gogol-xaadh u noqda kala guridda labada Maamul, iyo in lays waafajiyo shuruucda labada Maamul, oo hadda uu ka muuqdo iska-hor-imaad.
Tusaale ahaan; wuxuu axdiga SSC-KHAATUMO dhigayaa sidan:
“Maamulka SSC-Khaatumo waa qeyb kamid nidaamka Federalka Soomaaliya, wuxuuna wada shaqayn toos ah al yeelanayaa haayadaha kala duwan ee dawlada Federaalka Soomaaliya si waafaqsan Axdiga SSC-Khaatumo iyo Dastuurka KMG ah ee Dowlada Federalka Soomaaliya”
Halka Dastuurka Puntland uu dhigayo, gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ay Puntlaand ka Tirsan yihin.
Istiraatiijiyad ahaan, SSC-KHAATUMO hadda waxay maraysaa meel dhisme ahaan aad u sarraysa, waxayna u diyaarsantahay in ay wada-xaajood iyo iskaashi buuxa ay la samaysato naamulka iyo shacabka Puntlaand. Waxayna maraysaa marxalad hoggaanka hadda joogaa uu qabtay badi waajibaadka Axdigu farayay, oo ay ka mid ahayd, xoraynta, xalisinta, lafalgalida dawlada federaalka iyo gaarsiinta adeegyada dawliga ah bulshada SSC-Khaatumo.
Doodaha miiska saaran hadda waxaa ugu waaweyn, sidan: dhinac Puntland, waxay ku doodayaan, Waxaa loo baahan yahay in la maro hab sharci ah oo lagu kala saaro SSC-Khaatumo iyo Puntland, maadaama ay wadaagaan waxyaabo badan, sida dastuurka Puntland qabo, bulshada SSC-khaatumana ay wax ka dhisatay maamulka Puntlaand.
Dhamaystirka axdiga maamulka SSC-Khaatumo wuxuu salka ku hayaa, buuxinta shuruudaha looga baahan yahay in si buuxda looga mid noqdo dowladda Federaalka Soomaaliya, kaas oo dhigaya in labo gobol iyo wixii ka badan ay sameysan karaan Dawlad-Goboleed. SSC-Khaatumo hadda ma buuxin shurdigaas, inkasta oo Galmudug oo hadda ah Dawlad-Goboleed buuxa ay ka kooban tahay hal gobol iyo bar. Tani waxay dhalinaysaa su’aalo ku saabsan in SSC-Khaatumo in loo tixgalin karo duruufaha si la mid ah Galmudug, ama haddii loo baahan yahay waddo ka duwan.
Waddada ugu haboon ee looga bixi karo kumeel gaadhka maamulka SSC Khaatumo.
1.In xukuumada SSC Khaatumo, golaha dhexe, siyaasiyiinta, aqoonyahanka madaxa bannaan iyo isimada dhaqanku sameeyaan kulamo sidii Axdiga SSC Khaatumo loogu samayn lahaa wax ka badal “amendment” si looga saaro in deegaanka iyo dadka SSC Khaatumo aysan Puntland siyaasiyan iyo maamul ahaan ugu mid ahayn.
2.Shaki kuma jiro wixii reer SSC Khaatumo si wada jira isula qaataan cid diidi karta, haseyeeshee wixii lagu kala qaybiyo meel gaari maayaan. Ikhyaarkani waa ka ugu macquulsan uguna fududud, go’aamada ka soo baxa shirka reer SSC Khaatumo la horgeeyo hoggaanka siyaasada iyo dhaqanka Puntland si go’aanka loo dhaqan galiyo iyo sidii dastuurka Puntland looga saari lahaa gobollada SSC Khaatumo, meeshaasna lagu abuuro jawiga rasmi ah oo labada maamul isukaashan lahaayeen, kuna wada shaqayn lahaayeen.
3.Ka shaqaynta isku keenida reer SSC Khaatumo iyo Maakhir, reer Maakhir oo dhan in lawada helo khasab maahan in lakala qaybiyana kama dhigna in qaybi SSC Khaatumo wax ku darsato qaybina Puntland ku jirto, waxaa muhiima in lasameeyo jawi isfahan iyo is qaadasho ama aqbalaad dadka ku midoobay maamulka Puntland 1998.
4.Kan ugu danbeeya waa in laga shaqeeyo in sida dadka bulshada reer SSC Khaatumo ku qanacsantahay iyo cidkasta oo deegaankeeda maamuli karta oo duurafahan oo kale ka jiraan lagu tixgaliyo in dastuurka Sooomaliya laga saaro 2 iyo wixii ka badan inay mamul noqon karaan ama in lagu daro xaalado gaara meelaha ay jiraan hal gobolna hanoqdeen inay maamul noqon karaan.
Qodobkan ayaa wax kabadal lagu samayn waxaana laga dhigin xaaladaha gaarkaa (exeptional article) sida SSC Khaatumo. Ikhyaarkani waa ka ugu adag laakiin haddii juhdigeeda la galiyo waa laga gadi karaa dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa daneeya midnimada iyo xaalada dalku hada ku sugan yahay.
Dooddan waxay ku qotontaa hab-raac sharci, iyadoo dhinac uu ku doodayo in loo wada noolaado sidii laba maamul oo kala gaar ah, waana go’aanka bulshada SSC-Khaatumo.
Dhinaca kale waa Puntland’e, nasiib darro-se, maamulka Puntland wuxuu gadanayaa labada sano oo maamulka ku meelgaadhka ee SSC Khaatumo, siyaasinna wuxuu ka door bidayaa in la ahaado hal maamul oo awood leh, isagoo ka fiirinaya dano siyaasadeed ama kuwo dhaqaale.
Khaliif Xasan Dalmar
- Aragtidan waxay gaar u tahay qoraaga maqaalka
- Fikirkaaga iyo wixii maqaalo ah waxaad ku soo hagaajin kartaa E-mailka Jidbaale.com@gmail.com