Today: Sep 13, 2025

(Maqaal) Lixda Febraayo iyo SSC-Khaatumo, Lixda Febraayo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya” Mayal iyo masiir”

1 year ago

LAASACAANOO D(JIDBAALE.NET) – Maqaalkan oo ay idiin diyaariyeen howlwadeennada Majaladda “JIDBAALE.NET” waxa aynu ku soo gudbinaynaa, haybadda Dharaarta Lixdii Febraayo, Qiimiga aan la quudhayn ee ay uhayaan dadweynaha SSC-khaatumo iyo asbaabaha la gudboon Dowladda dhexe ee Soomaliya iyo Madaxda haatan hoggaanka u haya Maamulka SSC-Khaatumo.

Aan ku bilowno Lixda Febraayo iyo SSC-Khaatumo.

Aayakatashigu waa in dadku go’aamiyaan talada masiirkooda. Waa xuquuq sharci ah, waa xeer lagama maarmaan, waana tiir bedbaado. Ummad waliba oo saaran dunida guudkeeda Madow iyo caddaan Gaalo iyo Islaam dhamaanba shucuubta caalamku maalin uun bay dhaabatay tiirka masiirkooda ee ay ka dhex arkeen nolosha-San ee jiraalkooda iyo waaritaanka nidaam ku dhisma taladooda Tagto, Timaado iyo taagan-ba. 

Haddaba, ummadda SSC-Khaatumo wax ay tiirkooda jiritaan iyo midkooda masiir si wadajir ah u dhidbeen 06.02.2023. oo loo soo gaabsado (Lixdii Febraayo) Waxay ahayd maalin noqotay dharaaro iyo maalmo kala duwan oo hal mar ilu tagay noqdayna maalin weyn oo micne iyo nuxur nololeed u taagan. Maalin midnimo, maalin go’aan, maalin halgan iyo maalin gobanimo ayay ku sifowday Lixda Febraayo.

Dharaartaas, Sharciga bayaankiisa bannaanka la keenayna waxa uu ahaa kitaab lamadhaafaan iyo wacad bulsho oo la isku dhaarsaday. 

Maalintaas ka dib wax walba oo habnololeedka ummadda SSC-Khaatumo Quseeyaa’i –gudo iyo debad.

marjaca kamadanbayska ah ee loo la noqonayaa waa wacadkii febraayo,  guud ahaan umadda SSC-Khaatumo waxa ay aamisanyihiin in ciddii ka gudubta xeerakrkii ayaamkaa ay yihiin wax-kale-doone Isla markaana ay meel uga soo wada jeesan doonaan iska qabashadooda.

Lixda Febraayo waa maalintii la ururiyey ra’yigii ummadda SSC-Khaatumo ee baahey, waa maalintii halka talo laga dhigay tashuushkii tirada badnaa, waa maalintii addin iyo af wada jira lagu maamulay degaanka iyo dadka. Itaasi waa qeexitaanka dharaarta lixda febraayo loogu yeedhay. Sidoo kale lixdii febraayo waa maalintii dhagaha dadka SSC-khaatumo uu ku soo halgaaday Isimka Garaad jaamac Garaad Cali isaga oo guubaabinaya tolka ay Isimmada u yihiin isaga iyo golaha sare ee dhaqanka SSC-Khaatumo weedhii ahayd ” dagalka gala” weedhaas oo kicisay kumanan gaas gaamuray ah oo ku weydaaran/jeeni-qaaran nooc kasta oo saanad dagaal ahayd. nuntii weedas ayaa caan noqotay se waxaa kasii dhumuc iyo nuxurba weynayd weedhii kale ee daba tiillay ee imana ahayd ” Ninka walaaladii halkaa lagu laynayee daawanayaa waa fulay” weedhaas oo muujinaysa qiimaha ay leedahay isu hiilinta xaqa ahi.

Ilaalinta Jiritaanka iyo Midnimada SSC-Khaatumo

Midnimadu waa wadajirka iyo iskuduubnaanta guud ahaan ummadda SSC-Khaatumo. Midnimadu waa awooddii cajiibka ahayd ee lagu soo shubay haybtii SSC-Khaatumo ee ceelka dheer ku jirtey. 

Haddii waxa haybta SSC-Khaatumo keenay uu yahay midnimo, waxaa maragmadoon ah in haddii midnimado la waayo, SSC-Khaatumana la waayayo, maadaama ay ku dhisantahay midnimada lafteeda.

goortaas milgaha midnimadu waxa uu ku siman yahay heerka nolosha iyo dhimashada. 

Waa jiraal sare iyo nuxur lamataabtaan oo qof kasta ka weyn. Ilaalintu waa dhawritaan joogto oo indhuhu laasimaan.

 midnimada SSC-Khaatumo waa in lagu fiiriyo ilkalgacal malibiqsato ah, waa in aan la halmaamin xiskuhaynteeda oo ay ahaataa lama’illaawaan.

Lixda Febraayo iyo Dawladda Federaalka ee Soomaaliya

Madaxda SSC-Khaatumo waa in ay wacyi sare u lahaataa badbaadada jiritaanka haybta SSC-Khaatumo in ka badan haybaha qofaf ama qolooyin kale. Xidhiidh walba oo maamulka SSC-Khaatumo kaga xidhan Dawladda Federaalka Soomaaliya waa in uu cuskadaa tiirmasiirka Lixda Febraayo.

waa halis jiraal in la xigto talo SSC-Khaatumo oo aan ahayn bayaankii Lixda Febraayo. 

Dawladdu Federaalku iyana waa in xurmaysaa tiirmasiirka SSC-Khaatumo oo aysan aanaysan wax aan ku salaysnayn aayakatashigii ummaddani go’aansatay. Lixdii febraayo oo wakhtigaas ay ku sheegeen xeerarkii soo baxay qaarkood inay si buuxda uu taabacsanyihiin dowladda dhexe ee Soomaliya.

Lixda febraayo Waa xeer dadnimo, midnimo, dawladnimo iyo caalami intaba. Waxaa la gudboon madaxyada kala duwan ee ay la xidhiidho Siyaasadda SSC-Khaatumo Sida dowladda dhexe ee Soomaliya, Madaxda maamulka SSC-Khaatumo iyo shabaka SSC-khaatumo dhamaanba inaysan lixda febraayo dhankoodna aysan ku soo dhicin oo kuba fikirin wax dheelinaya dharaartaas Xis-ku haynta xasuusteedu lama gafaanka ay tahay.

 

HOOS KA AKHRISO WAR-MURTIYEEDKII AY BULSHADA SSC-KHAATUMO SOO SAAREEN LIXDII FEBRAAYO 2023.

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Og: Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (Labada Aqal)

Og: Xubnaha Golaha Ammaanka

Og: Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay

Og: Guddoomiyaha Midowga Afrika

Og: Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta

Og: Dawladaha xubnaha ka ah IGAD

CC: Dhammaan ergada diblumaasiyadeed ee Soomaaliya

BAAQ LAASCAANOOD

5 Febraayo 2023.

Shacabka Soomaaliyeed iyo inta badan Beesha Caalamka ayaa ka warqabta in 15-kii sano ee u dambeeyay ay deegaanada SSC-Khaatumo kala kulmeen dhibaatooyin badan oo ay sababeen in ay si sharci darro ah ku joogaan maamulka gooni-goosadka ah ee Somaliland. Dhibaatooyinkaasi waxa ka dhashay kacdoonkii loo yaqaanay “Kacdoonka Buluuga ah” kaas oo shacabka ku dhaqan goboladaasi ay u istaageen inay ka soo horjeestaan gooni-isu-taagga Somaliland, iyagoo si hagar la’aan ah u taagay calankii Soomaaliyeed ee buluugga ahaa. Waxay ka dhiidhiyeen ajandayaasha xasuuqa ah ee lagu beegsanayo muwaadiniinta caanka ah, cunaqabataynta dhaqaale ee ka hortagaysa joogitaanka hay’adaha horumarinta ee goboladan, ku xad-gudbida xuquuqdooda nololeed, xoriyada iyo raadinta farxadda.

Si looga hortago dhibaatooyinkaas, waxaa lagama maarmaan noqotay in la qabto shirweyne aayo-ka-tashi ah oo ay isugu imaanayaan madax-dhaqameedka, culumaa’udiinka, waxgaradka, haweenka iyo ururada dhalinyarada iyo dhammaan qeybaha bulshada rayidka ah. Waxay shirka ku qabteen magaalada Laascaanood ee xarunta u ah gobolada SSC-Khaatumo 28 January 2023 ilaa 5 February 2023.

Falanqeyn dheer oo dhinacyo badan taabanaysa ka dib, ergadu waxay si wadajir ah isugu raaceen qodobbada soo socda.

1- Waxaan cadeyneynaa in aanan ka tirsaneyn Maamulka Somaliland, isla markaana aanaan marnaba ogoleyn, kana qeyb qaadaneyn barnaamijka gooni-isu-taagga, inkastoo maamulka Somaliland uu isku dayayo inuu nagu khasbo si ka soo horjeeda xeerarka iyo xeerarka caalamiga ah.

2-Deegaanka SSC-Khaatumo waxay ka tirsan yihiin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxayna u taagan yihiin midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

  1. Ergadii shirka maamul u samaynta SSC iyo Khaatumo waxay doorteen 45 xubnood oo ka kooban 45 xubnood oo maamuli doona arrimaha deegaanada SSC-Khaatumo.

4-Shirweynaha aayo-ka-tashi ee SSC iyo Khaatumo wuxuu ku dhawaaqayaa in dhulka SSC- Khaatumo lagu maamuli doono dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

5-Annagoo ka duulayna qodobka 48-aad ee dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xubintiisa 2-aad, waxaan go’aansannay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay maamusho gobollada SSC-Khaatumo inta laga dhameystirayo federaaleynta dhulka Soomaaliyeed.

6-Maamulka Somaliland waa in uu ixtiraamaa rabitaanka iyo rabitaanka shacabka SSC-Khaatumo ee ku aaddan aayo-ka-tashigooda, maamulka Somaliland-na uu ciidamadiisa kala baxo dhulka SSC-Khaatumo shuruud la’aan.

7-Waanu soo dhawaynaynaa wadahadal kasta oo lala yeesho Somaliland, waa marka ay si buuxda ciidamadooda ugala baxaan deegaanada SSC-Khaatumo.

8-Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in aanu ahayn argagixiso sida uu maamulka Somaliland isku dayayo in uu nagu sumadeeyo. Anagu waxaanu nahay dadkii lahaa deegaanada SSC-Khaatumo ee ay Somaliland ku soo duushay oo ay xoog ku qabsatay. Isla markaana aanu diyaar u nahay oo aanu awood u lahayn in aanu ilaalino oo aanu ilaalino amniga deegaamadayada, waxa aanu diyaar u nahay in aanu kala shaqayno maamulada iyo gobolada aanu dariska nahay wax kasta oo khuseeya amniga, nabadgalyada iyo xasiloonida.

9-Shaki kuma jiro in Maamulka Somaliland uu masuul ka yahay dilalka iyo dilalka qorsheysan ee loo geysanayo shacabka SSC- Khaatumo ee 15-kii sano ee u dambeeyay ay dhulkeena xoog ku heystaan. Waxaaba laga yaabaa in taasi ay sare u kacdo olole lagu xasuuqayo shacabka SSC-Khaatumo. Tani waxay abuurtay jawi cabsi leh oo saameyn xun ku yeeshay maal-gashi iyo dhaqdhaqaaq ganacsi.

10-Waxaan ugu baaqaynaa Madax-dhaqameedka, Culimo-awdiinka iyo Waxgaradka Beesha Isaaq inay maamulkooda ku qanciyaan inuu ciidamadiisa kala baxo SSC-Khaatumo.

dhulalka iyo ka hortagga amni-darrada iyo suurtagalnimada colaad aan loo baahnayn oo waxyeello leh.

11-Waxaan beesha caalamka iyo hay’adaha xuquuqul insaanka ugu baaqaynaa inay baaritaan ku sameeyaan gabood-fallada uu maamulka Somaliland u geystay dadkeenna.

12-Waxaan ugu baaqaynaa dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka in ay si toos ah ula macaamilaan guddiga maamulka loo doortay ee u xilsaaran in ay maamulaan dhammaan arrimaha khuseeya deegaanada SSC-Khaatumo.

13-Natiijadii iyo go’aamadii ay si wadajir ah oo wada jir ah u gaadheen dhammaan ergadii ka qayb-galaysay shirweynihii aayo-ka-tashi ee ka dhacay magaalada Laascaanood, waa kuwii ugu dambeeyay, waxaana lagu beddeli karaa ama lagu beddeli karaa hab-raac iyo hab-maamuus isku mid ah.

maqaalkan waxaa Qoray W/Q Suxufi Yuusuf Saxardiid 10-9-2024 talaada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.