Today: Sep 13, 2025

Maqaal: Fikir iyo Faham, Muxuu Yahay Fikirka SSC-Khaatumo Ay Rabto inay Ku Howlgasho Si’ay U Maamusho Aayahooda.(Fikir iyo faham)

12 months ago

Halgan waa raacdo taxane ah oo logu jiro baadi goobka nolol ka geddisan midda ay doonayaan inay ka diga rogtaan cidda halgamaysa.

xiligii ay Laasacaanood ka bilowdeen kacadoonnadii dhalinyarada ee ka dhanka ahaa Somaliland waxaa jirtay Su’aal ay jihooyin badan iswaydiiyeen mar hore welina aan helin jawaab celin waafiya oo qotodheer , su’aalahas baan kaga hadlaynaa qormadan, waana qormo fikir ah oo ay soo gudbinayaan majaladda Jidbaale.net.

Ka dib kacdoonkii jamaahiirta, baaqii garaaddada iyo taageeradii qurba joogta SSC-Khaatumo, waxa ay darafyada Somaliland ama Isaaq, Puntland ama Harti, dawlada federaalka ama Hawiye, haay’adaha caalamiga ah, dawladaha la deriska ah Soomaaliya iyo dad ay u badan yihiin siyaasiin reer SSC-Khaatumo ah dhammaan darafyadaasi waxa ay iswaydiinayeen oo maankooda ka guuxayay weydiimo dhowr ah waxaase ugu cuslayd su’aasha ah.

1= SSC-Khaatumo ma iska dhicin kartaa Somaliland oo ma ka sifayn kartaa deegannadeeda? Jawaabteedii waa la bixiyey, waa tii subaxdii lixdii febraayo ay bilaabantay xabbad ay muuqatay in saadaasha wareekedu dheeran doono, wiilal badan oo la jecelyahayna adduunka dhaafin doonta. Xabaddaasi waxa ay istaagtay 25 agoosto ammintaas oo Somaliland laga guuleystay islamarkaana deegaannada SSC-Khaatumo laga sifeeyay. waxaana maalintaas jawaab loo helay waydiintii hore ee ahayd tolow SSC-Khaatumo maka guuleysan doontaa Somaliland.

Hadana su’aal kale ayay is waydiiyeen dhinacyadu, 

Waxa ay su’aashaasina ahayd 

2=  Dadka SSC-Khaatumo maamul ma samaysan karaan? Taasina jawaabteedii waa la siiyey wayna arkeen dadkii is waydiinayay in SSC-Khaatumo ay maamul dhisankaraan.

Haddana su’aal kale bay dadkaas oo dhan iswaydiiyeen taas oo ah

3= SSC Khaatumo ma sii jiri doontaa? Ma ismaamuli karaan siyaasad ahaan iyo dhaqaale ahaanba? Su’aashan jawaabteedii waa la sugayaa.

Labadii su’aalood ee ugu horeeyey ee aan kor ku soo xusnay yaa ka jawaabay? 

Waxaan aaminsanahay in laga jawaabay, si fiicana way uga jawaabeen.

Ilaahay ka sokow, dhalinyarada jamaahiirta ayey mahad u sugnaatay. Dhalintii dhiigooda iyo naftooda u huray in ay helaan nolol ay iyagu go’aaminayaan. Dadkii ka jawaabay su’aalahaas, ma ka jawaabi karaan su’aasha sadexaad ? 

Jawaabteedana inta aanad bixin fadlan qoraalkan ila akhri. Wuu dheeryahay laakiin waan hubaa inuu jawaabtaada mid la mid ah keenayo ama intiisa badan aad igu raaci doonto. 

Su’aashu waxay u baahan tahay fikir iyo faham.

Waxaa dawlad, haayad ama shirkad lagu hogaamiyaa laba arrimood oo aasaas ah la’aantoodna aanay suurtogal ahayn in laga gudbo dhibaatooyinka haysta maanta bulshadaas ama shirkadaas lana gaaro hadafkii ama hiigsigii laga lahaa dawladaas haayaddaas ama shirkadaas. 

Ta koowaad waa fikir qoto dheer oo salka ku haya 

Taariikhda bulshadaas,Dhaqankooda,Duruufaha ku xeeran iyo mushkiladaha horyaala maanta iyo

Mustaqbalka bulshadaasi hiigsanayso. 

Ta labaad waa nidaamka bulshadaas lagu dhaqayo oo ka tarjumaya

Cadaaladda, Dhaqanka wanaagsan, Duruufaha ku gedaaman bulshadaas iyo Wadatashi bulshadeed

Labadan arrimood jawaab ma u noqon karaan su’aashii ay geeska Afrika iswaydiinayeen?

Aan soo qaato qodobka koowaad: Waxaa la yidhaahdaa bulshada waxaa mideeya  waxaa ugu saamayn badan laba arrimoood (1) in ay cadow ama halis dibedda ah wada leeyihiin. Marka bulsho ay leedahay halis dibadeed oo muuqata, waxaa la helaa dareen mideysan oo difaac ku saleysan, taasoo bulshada ka caawinaysa inay iska ilowdo danahooda gaarka ah una wada shaqeeyaan sidii ay danahooda guud u ilaashan lahaayeen iyagoo midaysan. Midnimadani, inkasta oo ay xoog badan tahay, waxa ay si weyn ugu tiirsan tahay halistaas dibadda ka imanaysa, taasoo ka dhigan in marka halistaasi dhammaato ay bulshadu u baahan tahay sabab kale oo ay ku sii wadaan wadajirkaas.

 Waxaa ku xiga in ay (2) fikir ama hadaf la wadaago, oo bulshada siinaya aragti cad oo ku aaddan noloshooda maanta iyo ta mustaqbalkaba. Hadafkan wadajirka ahi waxa uu bulshada u sameeyaa jihaynta ay u baahantahay si loo gaadho horumar waara, isaga oo ka caawinaya inay yeeshaan qorshe cad oo dhaqaale, siyaasadeed, iyo bulsho. 

Bulshooyinka aan lahayn fikir nololeed oo cad oo hagaya horumarkooda iyo mustaqbalkooda waxa ay halis ugu jiraan inay la kulmaan dhibaatooyin waaweyn oo keeni kara burbur, dibudhac, ama in bulshooyin kale ay qabsadaan ama ka gurtaan khayraadkooda inta ay iyagu isku fooraaraan.  

Fikrad nololeed waa mid muhiim ah oo hage u ah horumarka bulsho kasta, isagoo ka caawinaya inay yeeshaan yoolal cad iyo istaraatiijiyad lagu gaadho yoolalkaas ayna kaga baxaan dhibaatooyinka haysta maanta. 

Fikirka bulshadaas ama shirkdaasi leedahay ayaa lagu hawlgalaa oo lagu saleeyaa nidaamka bulshadaas ee ku’aaddan dhaqaalaha, horumarka, maamulka, siyaasadda iyo mustaqbalka bulshadaas ama shirkadaas.  

Haddaba waxaan filayaa inaad ifahanteen, qormadan waxa aan ku soo af-meerayaa waydiin kale oo ah

 Muxuu yahay fikirka SSC Khaatumo rabto inay ku hawlgasho si ay u  maamusho aayaheeda iyo mustaqbalkeeda?  Ma jiraa fikirkaasi?  Iyana waa su’aal kale. bulshadu mawada aragtaa fikirkaas oo si isku mid ah ma’ugu muuqdaa?  Maamulka SSC khaatumo ma u muuqdaa, aqoonyahanka SSC khaatumo ma u muuqdaa? Fikirkaas dhalinteenu ma ogyihiin, ma fahamsan yihiinse? 

Yaa laga sugayaa fikirkaas? Yaa abuuraya fikirkaas? Ma maamulka ama hogaamiyaha baa laga sugayaa mise aqoonyahanka iyo indheer garadka deegaanka ayaa laga sugayaa? Maya’e Ma jamaahiirta ayaa laga sugayaa? Mise intaba maahee, Ma garadaadaa ayaa laga sugayaa.

Maqaalkani Waa dood furan una baahan in la’is  kor taago dababdeedna midhaha lagu dhiso fikir xor ah, xero-u-dhalan ah mabaadii iyo waaritaan u horseeda dhismaha ivo jiritaanka Asalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.