Maamulka SSC-Khaatumo ayaa ka hadlay xaaladda ka taagan magaalada Ceerigaabo. Wasiirka warfaafinta ee Maamulka Khaatumo Najiib Barkhad ayaa sheegay in uu Muuse Biixi Iyo maamulkiisu colaad ka hurinayo magaalada Ceerigaabo.
Wuxuuna intaasi ku daray in ciidanka SSC-Khaatumo heegan la geliyey, si ay uga jawaabaan xaaladkasta oo soo korodha, shacabka SSC-Khaatumana wuxuu u sheegay in ay ku kalsoonaadaan maamulkooda iyo ciidankooda.