Laascaanood(Jidbaale): –Maamulka Cusbitaalka guud ee Laascaanood Agaasimaha Cusbitaallka Dr.Axmed Maxamed Xasan “Fool jaawe” ayaa kulan isugu yeedhay madax-waaxeedyada kala duwan ee Cusbitaalka guud ee magaalada Laascaanood.
Shirkan ayaa ka kooban 15 qaybood, waxa uuna kulan kani daarranaa dardar gelinta howlaha adeegyada cubsitaalka ee bulshada loo fidiyo.
Agaasimaha ayaa kula dardaarmay Howl wadeenada ay gutaan waajibaadkooda shaqo ee ay bukaanada u fidiyaan si joogto ah 24 ka Saac .
Madax-waaxeedyada Cusbitaalka ayaa warbixino ka siiyey Agaasimaha Cusbitaalka howlaha adag ee cusbitaalka iyo caqabadaha shaqada la soo darsa xilliyada qaarkood.
Agaasimaha ayaa balan qaadey in ay sii laba jibaarayaan fududeynta iyo horumarinta adeegyada Cusbutaalka .
Cusbitaalka Laasacaanood oo ah goob dadweyne ayaa lagu majeertaa howlaha shaqo ee uu bulshada u hayay tan iyo 1945-tii xilligaas oo la dhisay Cusbitaalka, Si gaar dhakhtarka weyn ee magaalada Laasacaanood ayaa lagu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay daweynta dhaawacyadii 2023 kusoo waxyeeloobay dagaalladii Somaliland iyo SSC-Khaatumo dhexmaray sanadkii tagay. Dhakhtarka weyn laftiisa ayay maleeshiyada Somaliland duqaymo la bartilmaameedsatay xilli loogu adeegayay bukaanada.
Waxaana wakhtiyadaas dagaalkii 2023 ku geeriyooday qaar ka mid ah shaqaalaha caafimaadka dhakhtarkamagaalada Laasacaanood oo ku dhintay duqaymaha sida gaarka ah Somaliland uga fulisay Cusbitaalka iyo qayb ku dhintay goobihii dagaalka oo ay u joogeen caawinta iyo kaalmada dadkii dagaaladaasi ay waxyeelada ka soo gaadhay.
Haatan Cusbitaalka weyn ayaa lagu sameeyay dayac tir dhinaca waxyeeladii soo gaadhay ah waxaana la keenay qalab caafimaad oo horleh. Waxa uuna dhakhtarku si maalinle ah u gutaa u adeegidda bukaannada soo gladha gudaha xarunta weyn ee Cusbitaalka.