Today: Sep 14, 2025

Laascaanood:-Jaamacadda Ummadda Ilays Oo Kulliyado Cusub Furtay

1 year ago
Waxaa xalay qabsoontay Munaasibadda daah-furka Kulliyadaha cusub iyo furitaanka diiwaangelinta ardayda cusub ee Jaamacadda Ummadda Ilays.
Munaasibaddan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxay Jaamacadda Ummadda Ilays ku soo bandhigtay kulliyadaha cusub ee ay sannadkan soo kordhisay kuwaas oo kala ahaa :
Kulliyadda Xisaabaadka iyo Maaliyadda, Kulliyadda Adeegga iyo Maamulka Bulshada (Social Work and Administration), iyo Kulliyadda Waxbarashada oo lagu soo kordhiyey qaybtii Carabiga oo ku bixi doonta luuqadda Carabiga looguna talo galay inay ka faa’iidaystaan barayaasha macaahidda iyo madaarista. Waxay kaloo jaamacaddu soo bandhigtay qorshayaasha cusub ee sannadkan iyo hiigsayadeeda.
Waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda Dawladda SSC-Khaatumo oo ay ka mid yihiin Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda, Mudane Cabdiqani Xuseen X.Hiirad, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga, Mudane Daahir Cabdirisaaq Ingaydh, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Siciid Cabdiraxmaan Maxamed oo ka mid ah masulliyinta sare ee jaamacadda iyo Agaasimaha Waxbarshada Tooska ah ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Cali Axmed Cabdiraxmaan.
Waxaa iyana madasha si weyn uga soo qayb galay ardayda ka baxday dugsiyada sannadkan, macallimiin, maamulayaal, aqoonyahan, iyo bahda waxbarashada oo dhan.
Waxaa sidoo kale munaasibadda lagu furay diiwaangelinta ardayda oo ardaydii kasoo qayb gashay ay isdiiwaangeliyeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.