Wasiirka Wasaradda Cadalada Diinta iyo Arrimaha Dasturks SSC-Khaatumo Abdi Hassan Mohamed (Hijaar) Oo Uu wehelinayo agaasimaha guud ee wasarada cadalada mudane abdirizak jama warsame (salgan) ayaa maanta Xafiskiisa Ku qaabilay taliyaha Cusub Ee loo magacabay ciidanka Asluubta Ee Mamulka SSC-Khatumo,G/dhexe Mohamed abdi jamac Oo ay weheliyaan Hogaanka Maaliyada ciidanka Asluubta Coll Abdirisaaq bixin iyo Hogaanka hawlgalinta ciidanka asluubta G/le. Nuuradiin Cawil Jaamac.
kulanka Wuxu Daaranaa dardar galinta Shaqada ciidanka asluubta iyo Ka War qabka maxaabista Ku Xidhan jeelasha.
Kulanka wasaaradda cadaaladda iyo Diinta & Taliyaha cusub ee ciidanka asluubta
