Today: Sep 14, 2025

Jaamac Sulayman Cali Oo Loo Magacaabay Gudoomiyaha maxkamada sare ee Djabouti

11 months ago

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilkii ugu sarreeyey Jabuuti u Magacaabay Jaamac Sulayman Cali oo Kasoo jeeda Deegaannada SSC khaatumo.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa u magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Jabuuti Xeer ilaaliyihii Jabuuti Jaamac Sulayman Cali, Jagadan ayaa ah, marka laga yimaado Madaxweynaha Jagada 2aad ee ugu sarraysa Jabuuti sida ku qoran Dastuurka Dowladda Jabuuti.
Gudoomiye Jaamac Sulayman Cali waa Aqoonyahan Culuumta Sharciga ku bartay Dalka Jabuuti Mudo Badan soo ahaa Xeer ilaaliyaha guud ee Jamhuuriyadda Jabuuti Bulshada Muwaadiniinta reer Jabuuti ugu adeegay si ay ku jirto Cadaalad iyo Hufnaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.