Today: Sep 14, 2025

Huteel casri oo la yidhaa Xudun ayaa dhismahiisu ka bilaabmay Laascaanood

11 months ago

Laascaanood: Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC-Khatumo ayaa dhagax dhigay Hotel casri ah oo caasimada laga hirgalinayo.Dhismaha Hotelkan waxaaa hirgalinaya qoyska ilma Cabdi Madoobe.
Ganacsatada iyo qurbajoogta SSC ayaa degaanka kawada mashaariic kala duwan oo maalgashi leh, waxaa magaalada laascaanood laga dhisayaa cisbitaalo, hoteelo, warshado yar yar iyo mashaariic kale oo wax soosaarka deganka iyo dadka wax weyn ka qaban doona, shaqo abuur baaxad leh degaanka ka wada.

waxgarad degaanka u dhashay oo baayac mushtaro ku lahaa degaamo kale ayaa hadda waxay  ka wadaan degaanka SSC-khatumo mashaariic kobcinta dhaqaalaha ka qayb qaadan doonta, magaalada kolkaad dhex marto ayaad waxaad arkaysaa dhismayaal casri ah oo daan walba ka socda, qiimaha dhulka ayaa cirka isku shareeray mudo sanad gudihiis ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.