Today: Sep 14, 2025

Hoggaamiye Ku Xigeenka SSC-Khaatumo Oo Booqday Fadhiisanka Hore Ee Ciidanka Daraawiishta Ee Gobolka Cayn.

1 year ago

Buuhoodle(Jidbaale.net):-Hoggaamiye ku xigeenka SSC-Khaatumo Dr. Maxamed Cabdi Ismaaciil Shiine iyo wafti uu hoggaaminayey ayaa booqday fadhiisinka hore ee ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo ku leeyihiin gobolka Cayn. Booqashadan oo ahayd mid ciidanka lagu dhiiri gelinayey guulihii ay soo hooyeen 25.08.2023 ayaa waxa uu goobtii ciidanka salaam kaga qaatay cutub ka tirsan ciidanka.

Hoggaamiye ku xigeenka oo ayaa ciidanka ku ammaanay guulihii ay soo hooyeen, iyo adkaysinka ay u leeyihiin difaaca dalkooda, wuxuuna u sheegay in maanta loo baahan yahay in dadaalkii la sii laban laabo, ayna muujiyaan feejignaan dheeri ah. Hoggaamiye ku xigeenku wuxuu sheegay in aanay ciidanka Somaliland ee gooni goosadka ahi jabin dagaalkii Goojacadde  ee ay jabeen xilligii ay Kalshaale ku jabeen intii ka danbaysayna jababka waxay ku dhacayey ay naafaynayeen, jabkii Goojacaddena uu ahaa kii lagu soo afjaray.

Raggii Kalshaale hubka kala hadhay iyo  raggii dhashay ayaana Goojacadde ku jabiyey , taasina waxay soo dedejisay riyadii ay ku jireen in ay soo gebogebowday , ugu danbayna ay garan doonaan  in ay qar jafayaan.

Hoggaamiye ku xigeenku wuxuu ku ammanay ciidanka kala danbaynta , wuxuu sheegayna tallaabo kasto oo la qaadayo in wada tashi iyo go’aan mideysan  lagu qaadi doono.

Dhanka Ilo xogogaal ahi waxay sheegayaan in malayshiyo beeleedyo ka soojeeda deegaanka Qurulugud ay wadeen dhaqdhaqaaq ku soo wajahan deegaanka fadhiisinka ah ciidanka SSC-Khaatumo, maalmihii ugu danbeeyeyna laga warhayey dhaqdhaqaaqa malayshiyada. Warar kale oo xog ogaal ahina waxay sheegayaan in safarkii ugu danbeeyey ee Muuse Biixi ku yimi deegaan in saanad iyo ciidan uu ku soo kordhiyey Qorulugud dhaqdhaqaaqaasna lala socdo.

Buuhoodle Jidbaale.net

Leave a Reply

Your email address will not be published.