Today: Sep 14, 2025

Hogaamiye-Xigeenka Dr. Shiine ayaa xilalka u kala wareejiyey Madaxa Nabadsugida Maamulku SSC-Khaatumo

11 months ago

Laascaanood 28 Oct 2024: Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Dr. Maxamed Cabdi Ismaacil Shiine ayaa xilalka u kala wareejiyey Agaasimhii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & Sirdoonka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Mahad Axmed Maxamed iyo Agaasimaha cusub ee Hay’adda Mudane Maxamed Cabdirashiid Faarax.
Munaasibadda xilwareejinta oo ka dhacday Wasaaradda Amniga Maamulka SSC-Khaatumo ayaa waxa ka soo qaybagalay Wasiirka Wasaaradda Amniga, Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Taliyaha ciidanka Darawiishta, Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Saraakiil kale.

Ugu horrayn, Agaasimihii hore ee Hay’adda Siroonka ayaa warbixin ka bixiyey shaqada hay’adda u qabsoontay muddadii uu xilka hayey iyo kaalinta ay Hay’addani ugu jirto shaqada Maamulka.

Hoggaamiye kuxigeenka Maamulka SSC-Khaatumo ayaa xilka u kala wareejiyey labada Agaasime , waxa uuna u mahadnaqay Masuulkii hore ee Hay’adda Nabadsugidda & sirdoonka muddadii uu soo u shaqaynayey Deegaanka isagoona ku ammaanay dedaalka ay muujiyeen. Waxa kale oo Hoggaamiye kuxigeenku ku booriyey Masuulka cusub inuu kor u qaado shaqada hay’adda, uuna u guto si karti & aqooni ku jirto isagoo ilaalinaya shuruucda iyo xeerarka Maamulka.

Dhammaad
Xafiiska Warfaafinta iyo xidhiidhka Dadweynaha ee Madaxtooyada Maamulka SSC-Khaatumo
Email: info@ssckhaatumo.so.

Leave a Reply

Your email address will not be published.