Buuhoodle-Jidbaale:- Hogaamiye xigeenka maamulka SSC-Khatumo ayaa waxuu Albaabada u furay dugsi waxbarashada caafimaadka ku saabsan kor u qaadis ku samayndoona arimaha bulshada ee magaalada buuhoodle, gobolka Togdheer.
Dugsiga ayaa waxaa hirgaliyey dad jecel wanaaga iyo horumarka bulshada iyadoo qaybo badan dugsigan ka mid yahay ayaa waxuu tayada waxbarasho ee caafimaadka si hufan kor ugu qaadi doona marka dhalinyaradu ka faa’iidaysato,furitaanka dugsiga caafimaadka ayaa waxaa ka hadlay waxgaradka Buuhoodle oo sheegay in laga faa’idayso dhalinayada haween iyo ragba leh ee ku dhaqan degaanka buuhoodle iyo nawaaxiga koonfurta gobolka togdheer oo degaan ahaan shacabka ku nool ay hoos yimaadaan maamulka SSC-Khatumo.