Hogaamiye ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Mudane Maxammed Cabdi Ismaaciil Shiine oo ka qayb galay Bandhigga Buugaagta ah ee dagmada Buuhoodle ayaa bulshada SSC-khaatumo gaar ahaan Bulshada ku dhaqan gobolka Cayn ku boorriyay adkaynta midnimada iyo xoojinta wadajirka.

Hogaamiye ku xigeenka maamulka SSC_khaatumo ayaa muddooyinkii u danbeeyay howlo shaqo u jooga xarunta Gobolka Cayn ee dagmada Buuhoodle. bandhiggan buugaagta ayaa sannad kiiba mar la soo bandhigaa iyada oo uu soo agaasimo ururka akhriska iyo qoraalka ee AW-jaamac Cumar Ciise.