Laascaanood; Guddoomiyaha Golaha Dhexe Mudane Jaamac Yaasiin Warsame oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka 1-aad iyo 2-aad Mudane Muxyadiin Maxamed Jaamac iyo Mudane Jaamac Aadan Cismaan ayaa shir guddoomiya fadhigii 36-aad ee kal-fadhiga 2-aad Golaha Dhexe SSC-Khaatumo.
Ajendaha fadhiga Maanta ayaa ahaa Ansixinta Xeerka Rugta Ganacsiga.
Ugu horayn Guddigii Golaha ee gacanta ku hayay sharciga Rugta Ganacsiga ayaa Golaha ka hor akhriyay Nuqulka xeerka ee ku saabsan wax kabadalkii Mudanayaasha Golaha ee Akhrintii 3aad, iyagoo qodob qodob u dul istaagay qodobadii wax kabadalka iyo kaabista lagu sameeyay si dhamaystiran.
………………………….
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha & Maalgashiga SSC-Khaatumo
Email:mcii@kh.gov.so
Golaha Baarlamaanka SSC khaatumo ayaa maanta Ansixiyay xeerka Rugta Ganacsiga.
