Today: Sep 14, 2025

Garnaqsi: Ilyaas Cisman Lugatoor (Gabiley)

1 year ago

Mudane Lugatoor waqtigan waa Madaxweyn ku xigeenka maamulka Puntland, shan sano ka horna ahaa Wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Puntland. Shaqsi ahaan wax dhib ah kama tirsanayo haddey ahaan lahayd mid siyaasi ah, tu dhaqaale ama wax kale toona, waxaan rabaa inaan qoraalkan afkaar garnaqsi ah umariyo. Intaa ka aqoon waa nin dabci ahaan wanaagsan qofka soo dhaweeya, ixtiraam badan oo waliba wakhti siiya qofka, nin gacan furan oo deeqsi ahna waa lagu tilmaamaa, dadkuna waa majeertaan marka la muto.

Tiro dhowr jeer ah waxaan goobjoog ka ahaa kulamo dadweyne isagoo ka hadlaya, hasa-yeeshee markii ugu horraysay ee aan labadayada kaliya sheekaysano waxay ahayd bishii November 2020-kii magaalada Garowe, isagoo markaas ah Wasiirka duulista hawada iyo Garoomada Puntland.

Hoteelka aan degenaa buu iigu yimi, waxaan casho u aadney meel kale intaas waa sheekeysanaynay marna waa doodeyney, illaa meheradii la xidhey aan joogney kabacdi ayaan kusoo noqaney huteelkii aan deganaa isna uu iga tagay. Waxa ugu weyn ee aan anigu kala hadlayey waxay ahaayeen mashaariic horumarin ah oo dalka ka socotay oo Baanka adduunka iyo Hay’ado kale dood ka keeneen in deegaanka lageeyo sababa la xidhiidha in lagu shaambadeeyey “Deegaan lagu muransan yahay”.  wuuna ku mahadsan yahay waqtiga, martiqaadka iyo soodhaweynta. Marshuucii ugu weynaa ee markaa socday anigu waxaan ka ahaa hubiye iyo ansixiye arrimaha maaraynta deegaanka iyo saamaynta  bulshada (National environmental and social safeguard) Marshuuca waxaa la oran jiray Biyoole, haddana waxaa magaciisa laga dhigay Barwaaqo, wuxuu ku saabsanaa horumarinta beeraha, xoolaha, maaraynta dhul daaq-simeedka, biyo xidheeno lasamaynayo, iyo dhisida xarumaha dawlada.

Deegaannada sool, Sanaag iyo Cayn, waxaa lagu xidhay shuruud ah in ogolaansho fasax laga helo (no objection letter) Puntland iyo Soomaaliland si deegaamada larabay in laga fuliyo loooga fuliyo ay kujireen Boocame iyo Buraan iyo deegaamo kale labaduba waa diideen waayo midkasta meeshiisa buu sheeganayaa, haddii uu bixiyo wuxuu waayayaa  sharciyadii sheegashada, taas markii lawaayay mashruucii  waa laga reebay deegaanadaas, qorshuhu wuxuu ahaa inay ka faa’iidayaan dhowr boqol oo dad si noloshooda wax looga badalo. Mudane, maalintaas doorkaagii maadan qaadan, maanta wax keenayaa, waa war war ku sug. Haweeneyda  marshuuca ugu sarreysey oo Baanka adduunka ka socotay waxaa la oran jiray Chantal, waxaa loo sheegay inaan SSC Khaatumo ka soo jeedo, markaa kursi bannaan oo ninka dhinaca Soomaaliya marshuuca u qaabilsan baa lagu yiri fariiso, anigu kursigaas baa ku dhawaa, kolkaaas iyadoo qoslaysa bay tiri meeshaas SSC bay u baannaan tahay, waa lawada qoslay waayo marka la doodayo doodda ayaan  ku soo dari  jiray in SSC lageeyo marshuuca xaqna u leeyihiin. Ragga dadaalka badan bixiyey in mashaariicda deegaanka Sool, Sanaag, Cayn iyo Highland waxa ka mid ahaa Ambaasadoor Wasiir Jamaal Xasan.

Waxaan kaloo ka sheekaysanay doorashada dawlada federaalka oo markaa soo dhaweyd iyo cidda dadka matali karta. Anigu cid gaara maan wadan laakiin waxaan doorbiday kursiga deegaanka aan ka soo jeedo inuu nin noqdo isaguse wuxuu yiri ma kala jecli rag iyo dumar.

Markaan sidaas lahaa gabdho nacayb igama ahayn balse duruufta Xamar ee adag baan islahaa malaa nin aad isla googoosataan baa ka bixi kara. Anigu kursiga maan danaynayn isaguse waan kaala shaqayn buu iyiri haddaa danaynayso inkastoo uu yiri kooxda Nabad iyo Nolol baa lagugu tirin mar haddaad Xamar joogto, xilligaas waxaan joogey xafiiska agaasinka deegaanka oo hoos tagi jirey xafiiska Raysal wasaaraha.

Halkaas waxaan ka dareemay inuusan haddaan kursiga deegaan doorashadayda ee golaha baarlamaanka dawlada federaalkaa aan doono uusan waxban ka go’i karin, wuxuu kaloo ii sheegay Deni inuu danaynayo meesha Xamara isaguna Garoowe danaynayo.

Wuxuu ii sheegay inuu dadaalo badan galiyey arrimaha deegaanka kuwaa soo aan wax mashaariic horumarineed ah laga fulin muddo dheer, sababtuna tahay in lagaliyey deegaan lagu muransanyahay “Disputed area”  wax badanna ka qaban doono. Sidoo kale wuxuu ballan qaadey mashaariicda aan rabay inuu gacan farsamo iyo mid siyaasadba ka geysanayo, nasiib darro mashaqayn taasi inkasto siyaasiyiin iyo agaasimayaal ka soo jeeday Maakhir iyo SSC Khaatumo isku dayeen laakiin masuuroobin, doorkiisana ma muuqan intaa ogahay.

Markii xigtay waxaan isku aragnay magaalada Xamar doorashadii bishii may 2022kii, kulankayaga waxaa nagu weheliyey labo xildhibaan oo kale, hadalkii na dhexmaray ma raaligalin oo anigu qofka fekerkayga ama mowqif kayga uma hanbeeyo, dhaliisha aan u soo jeediyey waxaa ka mid ahayd dan deegaan mahaysaan ee iska shaqaysta, ereygaana waxaan u iri, isagoo hadalkiisu uu u badnaa inuu deegaanka dantiisa hayo.

Markii xigtay ee saddexaad ee aan waqti dheer sheekaysano waxay ahayd xilligii lagu jiray halgankii buluuga ahaa, markii doodda guddida 45 iyo axdiga qorista SSC Khaatumo ka socotay magaalada, Laascaanood-na go’doon ku jirtay iyo duqayn. Kulanka oo fogaan arag ahaa, farriinta codsiga kulanka anigaa lay xilsaaray wuuna iga aqbalay inuu nagala soo qayb galayo waxaa igu weheliyey rag Jamaahiirta kacdoonka buluugaa saldhig u ahaa oo haddaaan khaldanayn gaaraya  6 qof oo kale, kulankuna wuxu qaatay muddo gaarasa 3 saacdadood.

Warbixin dheer ka dib iyo xog isdhaafsi xaaladdii lagu sugnaa ku saabsan, iyo doorkiisa wanaagsan ee halganka uu ku lahaa haddey noqoto calaf, gaadiid iyo waqti uu galiyeyba waannu uga mahadcelinay doorkiisa shariifkaa. Lugatoor wuxuu guddoomiye ka ahaa gurmadkii dhaawacyada iyo arrimaha la xidhiidha ee madaxweynaha Puntland kmagacaabay iyadana door muuqda oo sharfan ayuu qaatay.

Waxaan su’aalo badan ka waydiinay arrimaha maamul dhiskaa SSC Khaatumo iyo fekerkiisa ama mowifkiisa ku aadan, si aan qoraalka idninku dheeraan nuxurka feker kiisu wuxuu caddeeyey in SSC Khaatumo maamul noqon karin oo dastuurka DFS aysan buuxin sidoo kalena reer maakhir ama beesha Warsengeli aan la helayn.  Qodobka  48aad ,farqadiisa 2aad  ee dastuurka ku meelgaadhkaa ee baaqa 6 feb 2023kii lagu saleeyey, dawladda federaalkuna ku so dhaweysay uu labo sano kaliya yahay. Wuxuu qabaa in shirweyn Harti iyo dadkii dagaalka ku wada jiray talada miiska loodhigo.

waxay noqotay dooddiisu mid kaligiisa iyo intayadii kale oo dhinaca oo aragtidiisa diidan, waxaan kudoodeyney inaan maamul buuxa noqon karno dhulka SSC Khaatumana sidaa lagu ilaalin karo oo khalad hore oo dhacay dib loogu laaban, markaas baa ismaqalkiisa igu danbaysay.

Marka koowaad waan u hambalyeeyey inuu wuxuu raadinayey helay, nasiib darrase wuxuu helay wuxuu raadinayey markuu dadkuu deegaanka ku matalay alle mideeyey, cadowgii kuso duulay iska kiciyey oo maamul helay.

Dhawaanahan waxaa soo ifbaxayey inaad deegaannada SSC Khaatumo shaqsiyaad maamulkaaga ka tirsan iyo Hay’ado Puntland  ka diwaangashan  dhahdo deegaanka taga oo wax ka soo fuliya, waxaa kaloo jirtay odayaal iyo bulshada qayba ka mida inaa dhowr jeer la shirtay, waxaadna dadkaas ka dhadhicisey inaa madaxweyne u tahay.  Dhaqanka Dhulbahanta lagu bartayna oo saamayn badan deegaanka ku yeeshay waa reer hebel yeysan meesha naga xigsan, waa halkuu Garaad Jamac Garad Cali lahaa “anigu ninna gunnimo kula tartami maayo” Runtuse waxay tahay mudane, madaxweyne bulshada reer SSC Khaatumo uma tihid ee waxaa madaxweyne u tahay reer PL oo kaliya. Sababtu waa inaa dastuurada iyo xeerka PL kudhaaratay.

Nin xilka ku cusub maahid oo shan sano ayaa hore Wasiirka duulista hawada iyo Garoomada PL u ahayd, Gegida ugu mudnayd inaa wax ka qabato waxay ahayd tan Buuhoodle, iska daa wax qabade xataa maadan booqan! Horumar kale warkiisa daa!.

Mudane, anoo ixtiraam badan kuu haya, kaana xigsanayn deegaanka, aanan aa amisanayn inaa kaaga lexlo-jeclo badanahay, ama aan kaaga waxtar badanahay hadana, sidaa wax u wado maahan mid xaaladaha gaarkaa ee deegaaanka SSC Khaatumo haysta baahidooda ka jawaabaysa, sidaa darteed, dadka deegaanka SSC Khaatumo arrimahahooda siyaasad, amni, ama dhaqan dhaqaale waxay u samaysteen nidaam iyo hogaan, ama ku meelgaadh ha ahaado, ama shuuruud federaal yuusan buuxin, ama curdin ha ahaado, ama qaan gaadh ee waa inaa joojiso dhexgalista iyo furfurka.

Waan fahmayaa oo waxaad xilkaa hayso u raadin sharciyad (legitimacy) bulshada aad deegaankooda ku abtirsato ! laakin ku heli maysid sharciyad waxaan shaqayn  siyaasadda waarta ee lagu dhaqo dadka iyo deegaanka SSC Khaatumo.

Mahasanid, mudane.

Khaliif Xasan Dalmar

  • Aragtidan waxay gaar u tahay qoraaga maqaalka
  • Fikirkaaga iyo wixii maqaalo ah waxaad ku soo hagaajin kartaa  E-mailka Jidbaale.com@gmail.com

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.