Muqdisho (Jidbaale.net) Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe Durraan oo maalmahan ku sugnaa Caasimadda Soomaliya ee Muqdisho ayaa caawa Madaxtooyada Soomaliya kula kulmay MW Soomaaliya Dr Xasan Sheekh Maxamuud.
Sidoo kale kulanka waxaa qayb ka ahaa Wasiirka wasaradda tamarta iyo biyaha XFS Wasiir Cabdullaahi Bidhaan Warsame iyo sidoo kale gudoomiye ku xigeenka labaad ee aqalka Sare Mudane Cabdullaahi Cali Xirsi Tima cadde.
sida naloo sheegay kulankan ayaa ahaa bariido iyo salaan loogu tagay Madaxweynaha Soomaliya.
hore qaar kamid ah golaha dhaqanka sare ee Isimmada deegaanka SSC-Khaatumo ayaa muqdisho tagay iyaga oo u tagay howlaha mamul dhiska maamulka SSC-khaatumo waxa ay magaalada muqdisho ku sugnaayeen maalmo kooban.
Sidoo kale waxaa jirtay mar magaalada Muqdisho ay si gaar ah u tageen laba isim oo ka mid ah golaha dhaqanka sare ee Isimmada deegaanka SSC-Khaatumo.
si kastaba ha noqotee kulankaan dhexmaray masuuliyiinta SSC-Khaatumo ku metala dowladda dhexe, Garaad Cabdirisaaq Garaad Soofe iyo Madaxweynaha Soomaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ahaa kulan salan iyo bariido ku saabsanaaa, walow ay jiri karan xogo laga qariyay warbaahinta.