Laasacanood(Jidbaale.net) – Magaalada Laasacaanood ee Xarunta Gobolka Sool waxaa muddooyinkii dambe dib ugu soo noqonayay Ganacsatada ka soo jeeda koonfurta Soomaliya gaar ahaan ganacsatada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Ganacsatada reer koonfurgalbeed ayaa dib ugu soo laabanayay caasimadda Laasacanood tan iyo wixii ka danbeeyay dagaaladii ba’anaa ee Sannadkii hore guuldarrada u horseeday Somaliland.
Magaalada Laasacanood oo ka mid ah magaalooyinka ugu nolosha iyo la qabsiga wanaagsan ayaa marti galinaysa ganacsatada Soomaaliyeed ee aan deegaanka ahayn ku waasi oo ganacsiyo kala jaad ah ku soo kordhiyay magaalada Laasacaanood.
Dadka deegaanka Laasacaanood ayaa sheegay inay Soo dhaweynayaan qof kasta oo deegaanka ka ganacsanaya si xadaaradaysan isla markaana aanay jirin cid si gaar ah ugu u beegsanaysa dadka aan deegaanka ahayn ee ka yimid deeganada kale ee Somaaliyeed.
Geesta kale maamulka SSC-Khaatumo ayaa marar badan fagaarayaasha siyaasadda ka sheegay in Laasacaanood ay u furan tahay dhammaan Soomali weyn kii ganacsanaya iyo kii dagaya ee nolol ka samaynaya-ba.
ganacsatada reer koonfurgalbeed Soomaliya ayaa ah ganacsadatada ugu badan ee kusugan deegaannada maamulka SSC-Khaatumo iyagoo ka ganacsada dadka deegaanka dhexdooda iyo magaalooyinka oo ay geeyaan badeecooyin laga keenay koonfurta Soomaliya.
Maamulka ayaa cashuurta ka qaada badeecooyinka ay ganacsatadani keenaan deegaanka SSC-Khaatumo si la mid ah ganacsatada kale ee deegaanka ku sugan.
Dad badan oo ka soo jeeda deegaanka ayaa soo dhaweeyay ganacsatada reer koonfur galbeed Soomaliya si ay uga ganacsadaan deegaanada maamulka SSC-khaatumo.
2-dii Bishii 10-naad ee Sanadkii 2021 ayaa Maamulka Goonni-goosatada Soomaliland oo wakhtigaas ku sugnaa magaalada Laasacaanood waxa uu arrin gef ah kula kacay wax ka badan 700 oo qoys oo ka soo jeeda koonfurta Soomaliya gaar ahaan gobollada Bay iyo Bokool, kuwaasi oo u badnaa ganacsato ka shaqaysanayay gudaha magaalada Laasacaanood.
Dadkan oo isugu jiray caruur, haween iyo waayeelba ayay Somaliland wakhtigaas dusha ka saartay dilal qorshaysan oo dadka deegaanka ay u geysan jireen Somalilandt-u, iyaga oo dadkaas ganacsatada ah ee aan wasba galabsan ku eedeynayay amni-darro iyo dilal ka dhacayay magaalada Laascanood. Dadka deegaankuna ay aamisanaayeen in Somaliland ay ahayd gacantii sida qarsoodiga ah ugu laynaysay Gudaha caasimadda laasacaanood.
Si kastaba ha noqotee xubno ku dhow madaxtooyada maamulka SSC-Khaatumo ayaa noo sheegay in siyaasad ahaan maamulka SSC-Khaatumo uu diyaar u yahay in uu si weny u soo dhaweeyo ganacsatada Soomaliyeed ee ka soo jeeda Gobollada Bay iyo Bakool.
Horay hogaamiyaha Maamulka SSc-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali ayaa mar uu ku sugna caasimada Dalka Soomaliya waxa uu ka baaqday safar uu ku tagli lahaa caasimada koonfurgalbeed Soomaliya.