Laasacaanood(Jidbaale.net)- Hogaamiyaha maamulka SSC-Khaatumo Mudane Abdiqaadir ahmed Aw-Ali ayaa caawa magacaabay agaasimeyaasha sagaal wasaaradood oo ka tirsan golaha fulinta maamulka SSC-Khaatumo.
sida aan xaqiijinay mudaneyaashan ayaa lagu soo xushary aqoonta iyo xirfadaha ay u leeyihiin books shaqo ee loo magacaabay.
maaha markii koobaad ee hogaamiye firdhiye uu magacaabo agaasimayaal guud.
wasaaradahan caawa loo magacaabay agaasimeyasha ayaa ah wasaarado markii hore isku aha hal wasaarad sida wasaaradda arrimaha bulshada oo haatan gaar loga Saara dhowr wasaaradoood ido wasaarado hore u jiray kuwaas oo haatan loo magacaabay agaasimeyaal guud.
MAGACAABIS AGAASIMEYAAL GUUD.
Laascaanood 22.09. 2024:-Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo mud: Cabdiqaadir Axmed Aw Cali ayaa magacaabay agaasimeyaal guud ee Maamulka SSC-Khaatumo.
Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo markuu arkay baahida loo qabo kuna qancay khibradda iyo aqoontooda waxaa uu magacaabay agaasimeyaashan guud.
Magacyada lyo Xilalka loo magacaabay agaasimeyaasha
1. Eng. Cabdiraxmaan Yuusuf Cabdi
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Teknoolojiyadda iyo Isgaadhsiinta
2. Salmaan Aadan Xasan
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta
3. Maxamed Maxamuud Muuse
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
4. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Axmed
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka
5. Cabdirisaaq Jaamac Warsame
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta
6. Hoodo Maxamed Ibraahim
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga, Maalgashiga iyo Warshadaha
7. Jaamac Maxamed Axmedweli
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maaraynta Masiibooyinka
8. Axmed Maxamed Aadan
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhallinyarada, Ciyaaraha, Shaqada iyo Shaqaalaha
9. Jaamac Cabdisalaan Nuur
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Amniga
10. Siciid Faarax Jaamac
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
11. Cismaan Aadan Xuseen
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta iyo Iskaashiga Caalamiga ah