Today: Sep 14, 2025

Dowladda Masar oo deeq waxbarasho siisay 10 arday oo reer SSC-khaatumo ah iyo maamulka SSC-khaatumo oo u fududeeyay Baasaboorrada iyo waraaqaha dhalashada.

1 year ago

LAASACAANOOD(JIDBAALE.NET):. Dalka Masar ayaa deeq waxbarasho siiyay 10-kii arday ee ugu sarreeyay imtixaanka heer dowladeed Fasalka 12-aad ee maamulka SSC-Khaatumo Kaasi oo dabayaaqadii bishii June ay wasaaradda waxbarashada SSC-Khaatumo ka qaaday ardayda fasalka 12-aad ee dugsiyada Sare Maamulka SSC-Khaatumo imtixaankaasi oo ahaa imtixaanka shahaadiga heer dowladeed oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda federaalka SOomaliya.

In kabadan 2.000 oo arday ayaa guud ahaan deegaanka SSC-Khaatumo u fadhiisatay imtixaanka fasalka 12-aad ee shalaadiga heer dowladeed bishii june ee sannadakan. kaasi oo lagu qabtay lix goobood oo ku yaalla magaalooyinka Laasacaanood iyo Buuhoodle.

Xalay ayay dowladda Masar ku dhawaaqday inay deeq waxbarasho siisay 10-kii array ee ugu sarreeyay imtixaanka, Milxadan aya soo martay dowladda dhexe ee Soomaliya.

Geesta kale Haayadaha Laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha SSC-Khaatumo iyo  Dowladda Hoose ee degmada Laascaanood  oo kaashanayaa , Haayadaha Amniga ayaa u fududeeyey 10-ka Arday aqoonsiyada(Baasaboorrada Dalka Soomaliya iyo Waraaqaha Dhalashada iyo Dambi la’aanta ). 10 ka arday ee ugu Sarreeyey Imtixaanka Dugsiyada sare ee SSC-Khaatumo kuwaas oo deeq Waxbarasho Masra dhawaan ugu anbanixaya.

 

7 gabdhood oo ka mid ah 10-ka Arday ee deeqda ka helay dowladda Masar.

Fududeynta ayaa ah in 24 bishan ay ku Helaan dhammaan Aqoonsiyada oo isugu jira Baasaboorrada, warqadaha dhalashada iyo kaadhka muwaadinnimo iyo sidoo kale Warqadda Danbi la’aanta, 

Ardaydan ayaa saaka loo bilaabey adeegyada fududeynta  iyadoo isla beri ay heli doonaan sida ay noo xaqiijiyeen Laanta 8-aad ee Socdaalka  iyo Jinsiyadaha Soomaaliya oo Laascaanood dhawaan laga furty.

 

Gudaha Xarunta Laanta 8-aad ee haayadda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Soomaliya.

Waa markii ugu horraysay muddo haatan laga joogo 36 sano in Imtixaanka dugsiga sare ee dowladda Soomaliya lagu qabto Magaalada laasacaanood sideetameyadii ayaa ugu dambaysay magaalada laasacaanood in ardaydu ay u fadhiistaan imtixaanka dugsiga sare ee dowladda Soomaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.