Today: Sep 14, 2025

Dhibicda Roobabka Deyrta Ee Folk Hore Oo Ka Bilowday Deegaannada SSC-Khaatumo.

12 months ago

Laasacaanood(Jidbaale.net) – Iyadoo xilliga Dayrta ee bilaha ugu danbeeya sanad walba gaar ahaan bilaha 9-aad ilaa 12 aad ay ka curtaan guud ahaanba dalka Soomaliya, ayaan weli wax warbixin ah aysan soo saarin Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee “SODMA-Somalia” iyo saaxiibada caalamka.

Curashada roobabka Deyrta ayaa muujinaya nafis ay dadku naawilayan inay kaga Samatar baxaan biyo iyo baad yarıda haatan ka jirta gobollada Soomaliya qaarkood.

Dhulka deegaannada SSC-Khaatumo oo an lahayn webi iyo xeeb waxa uu ku jiraa meelaha ugu biyo-yaroodsan Soomaliya Maamulladii deegaanada Soo marayna hagar daamo mooyee maanay jirin waxqabd dhinaca biyaha ah oo ay deegaanka tarred sida ay noo sheen xog-ogaal deegaanka ah oo Jidbaale.net ay la hadashay.

Dhibicda roobka ayaa baahi weyn lo qabaa wakhti xaadirkan, Iyadoo roobabku ay muhiim u yihiin buuxinta ilaha biyaha iyo taageerada hawlaha beeraha, sidoo kalana ay qayb ka qaataan cimilada oo ilu beddesha barwaaqo xoolaha oo baad fiican hela ilo isbeddelka guud ee cimilada. 

Magaalada Laasacaanood Xalay waxaa ka da’ay dhibicdii ugu horraysay ee deyrta hogol aan badnayn oo Habis ah ayaa helay Caasimadda saqdii dhexe ee xalay,  waxaana saaka gudaha Laasacaanood lagu waabariistay cimilo deggan oo cadar ah iyo daruuro daanta bari kasoo kiciyay guulaamada roobka, fadka iyo madaxdayada daruuraha ayaa qariyay cadceedda.  xalay dayaxu waxa uu ahaa 15 waa godadka meecaadda la’isku yidhaahdo, godka ama xiddigaha JId-dharaqle ayuu xalay dayaxu la fadhiistay taasi oo xilliyadan oo kale odayadii Soomaaliyeed ee hore ay naawili jireen curshada roobabka deyrta sidii ay ilaahay uga barteen.

Dhinaca kale Magaalada Buuhoodle ayaa waxaa iyana xalay ka hoortal daluur aan badnayn oo sahan u’ah cir la filly inu dhawaanahan ka da’o deegaannada Soomaliyeed gaar ahaan SSC-Khaatumo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.