Isimmadii dhawaan ka bixitimay caasimadda Gobolka Sool ee laasacanood oo safarkooda ciwaan uga dhigay bogaadinta iyo mahadnaqa walaalihii gurmadka ugu yimid bulshada SSC-Kaatumo waktiyadii ay dagaalka ba’an ku la jireen Somaliland ayaa weli socdaalkooda ku guda jira iyada oo maalmihii ugu danbeeyay socod ku marayay deegaannada Gobolka Nugaal.
maanta ayay isimadu u dhaqaaqen daanta gobolka Mudug oo qorshuhu yahay inay cagta dhigaan dhammaan dagmooyinka iyo tuulooyinka gobolka Mudug ee dagsiimada beesha Harti.
isimmada ayaa maanta si diirran oo kalgacal leh loogu soo dhaweeyay deegaanka Jalam ee degmada Buur-tinle ee gobolka Nugaal.
cuqaal,waxgarad, dhalinyaro, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Tuulo-jalam ee dagmada Buur0-tinle ayaa si heer sare ah u soo dhaweeyay weftiga Isimmada SSC-Khaatumo oo uu hogaaminayo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed, afhayeenka gola dhaqanka sare ee Isimmada deegaanka SSC-Khaatumo.
Weftiga ayaa ka kooban ilaa shan isim oo uu ka mid yahay Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Mukhtaar Garaad Cali, Suldaan Siciid Cismaan Cali, Ugaas Maxamuud ugaas Cabdullaahi Ciise iyo garaad Cabdisalaan Xasan Maxammed.
Isimmada ayaa u mahadceliyay bulsha weyntii soo dhawaysay iyaga oo sheegay inay ad ugu faraxsanyihiin inay soo gaadhaan gobolka Nugaal.
socdaaalka isimmada SSC-Khaatumo ay ugu mahadcelinayaan walaalihii garabkooda soo buuxiyay xilligii dagaalka ee Harti kuwaasi oo ku soo hiiliyay dhalashada haybta Hartiga sida ay hore u sheegeen, ayaa Isimmada deegaanku waxa ay soo bilaabeen horaantii Bishit siddee ee sanadkan iyaga oo socod ku maray deegaano badań oo hoos yimaada gobollada Bari iyo Sanaag oo ay intooda badan cagta dhigeen weftiga isimmadu.
Socdaalka haatan ay ku taggeen gobollada Nugaal iyo Mudug ayaa ah wajigii labaad ee Socdaalka maamuuska iyo bogaadinta walaalha harti ee la dagaal galay bulshada SSC-Khaatumo.
Isimmada ayaa maalmaha soo’aaddan ku wajahan gobolka Mudug oo ah gobolka ugu danbeeya ee lagu soo afmeerayo Socdaalka bogaadinta iyo mahadcelinta walaalaha Harti.