Roobabkii dayrta oo si wayn uga da’aya deegaanada ssc khaatumo iyo Gobolka doolo.
Roobab Mahiigaan ah ayaa ilaa saaka xalay siwayn u helay deegaano badan oo ka tirsan goboladda Sool Sanaag iyo Togdheer ilaa gobolka Doolo wakhti dadka iyo duunyadaba abaaro looga baqayey.
Roobab mahiigaan ah ayaana Dhul badan helay dhinaca gamaha iyo hawdka sare ee xuduuda dhaafsan , xaga kale roobku waa is haystaa ilaa nugaasha iyo dhulka dhagaxa ee ka hooseeya Sool
Deeganaada sida Wayn roobku u helay ayaa inta xogteeda la hayo ayaa kala ah sidan.
Dhumay, Xidh-xidh, Balihadhac, geed dheer, Bali Cad, Xamar Lagu Xidh, goobwayne, Cagaar beele, Coonbaal,Madax gaal,
Jiingada, Bur Buris, Xadhadhanka,Dhilaalo, magaalooyinka aan soo tirinay dhamaantood waa buuxaan baliyo iyo dhulka biyo qabiteenka oo dhan.
Waxaa kale oo Biyo dhig wacan helay magaalooyinkan sida Widh Widh,Dan Dan, Sarmaan, Qararo, Sararawayne.
wararka Sool iyo Sanaag roob xoog leh ayaa helay dhulka sida xooga leh u roobsaday waxaa ka mid ah inta u dhaxaysa Xudun iyo Taleex oo roob mahiigaan ah helay.