Dhammaan dalalka Islaamka, waxaa sannad kasta, xilligan oo kale ka dhaca xuska dhalashada Nabiga (SCW) ee Mowliidka.
Balse su’aasha la xiriirta halka laga dhaxlay xuskan ayaa sannad kasta soo noqota, iyadoo culimo kala duwan ay ka hadlayaan – kuwana ay banneynayaan halka kuwa kale ay mamnuucayaan.
Si la mid ah arrimo kale oo badan oo Islaamka la xiriira, culimada iskuma raacin sida loo wajahayo xuska dhalashada Nabiga. Xitaa maalinta dhalashada iskuma waafaqsana Sunniyiinta iyo Shiicada.