Today: Sep 14, 2025

Ceelka Holhol ee shiidaalka qaniga ku ah iyo waftiga SSC-Khatumo

11 months ago

Wafdi ka kooban labada gole ee Dowlada SSC-Khaatumo oo uu Hoggaaminayo Gudoomiye ku-xigeenka 1 aad ee golaha Baarlamaanka SSC-Khaatumo, oo ay weheliyaan Wasiirka Tamarta, Biyaha iyo Macdanta, Wasiirka Ganacsiga, iyo Maalgashiga iyo Wershadaha iyo xildhibaano ayaa gaaray Deegaanka qaniga ku ah Shidaalka,iyo Macdahana kala duwan ee Hol-Hol ee degmada Xudun ee gobalka Sool .

Ceelka Qaniga saliida caydhiin ku ah, ee holhol ayaa dawlada federalka  heshiisyo kula gashay dawlada Qatar miyo shirkaddo dalkaas laga lee yahay si horumar dheeri looga sameeyo soo saaristiisa.

Wafdigan oo si wayn ugu soo dhaweeyeen dadka deegaanka ayaa u kuur galay xaalada deeganka iyo baahiyaha ka jira, iyagoo dadka deegaanka ka dhagaystay baahiyadooda .
Masuuliyiinta ayaa u sheegay dadka deegaanka in baahiyahooda wax laga qaban doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published.