Shalay waxay ahayd 25.08, waa maalintii laga guulaystay ciidankii maamulka gardarada ku joogay qaybo ka mid ah deegaanka SSC-Khaatumo, Isla markaana laga sifeeyey, dibna loogu celiyey deegaankii ay ka yimaadeen.
Guushaa la gaadhay waxaa lagama maarmaan ahayd in ciidankii gaadhay loo muujiyo dariin sharafeed, lana muujiyo isku duubnida bulshada reer SSC-Khaatumo, iyada oo aan xaflado iyo xaalado dhaqaale khasaaraya lagu muujin.
Shalay maamulka SSC-Khaatumo wuxuu dadkiisa, ciidankiisa, Soomaali iyo caalamkaba u muujiyey sida uu xilkasnimada u muujiyey muddadii sanadka ahayd ee uu guusha milatari gaadhay, waxaanu dareensiiyey Soomaali in isku tashi lagu gaadhi karo guul, isla markaana laysku halayn karo maamulka Laascaanood ka hana qaaday, oo uu yahay maamul qawleh.
Maamulka SSC-Khaatumo wuxuu hawlahan Ilaa hadda ku wadaa isku tashi iyo kabid la‘aan miisaaniyadeed, wuxuuna hawlaha badankooda ku wadaa cashuuraha Ilaa hadda kooban iyo dadaalka dadka deegaanka ee gude iyo dibad. Waana arrin aan ka suuroobin maamul goboleedada dalka ka jira 20 sane ee laga soo gudbay in ay ciidan 10kun ku dhow qaabkan ku maareeyaan.
Ilaa hadda maamulka SSC-Khaatumo wuxuu ku guulaystay in ciidankiisa iyo bulshadiisu isku duuban yihiin, waxayse u baahan tahay in arrimo badan oo uu maamulku shalay saraakiiisha ciidanka kala hadlay ay kaga dhabeeyaan oo ay degdeg u fuliyaan. Kuwaas oo ah:
1. Horumarinta Ciidanka Daraawiishta iyo xuquuqdooda oo joogta ah haba yaraatee.
2. Xaqsiinta Naafada, agoonta iyo Xaasaska Shuhahadada Ciidanka Daraawiishta
3. Daryeelka guud ee Ciidanka
4. Adkaynta difaaca iyo u feejignaanta cadawga
Ciidamada jiida jooga ee dalkooda difaaciisa ku jiraa waxay muujiyeen dadaal, dul qaad iyo adkaysi, waxaa iyaguna arrintaa la muujiyey dadkooda gude iyo dibadba Ilaa hadda diyaar ayey bulshadu u tahay in ay sii muujiyaan dedaalka.
Waxaa iyana arrin boggaadin mudan ah in madaxda sare isu qaybiso booqasha deegaanada si ay u dhiiri geliyaan ciidankooda uguna hanbalyeeyaan guulihii ay gaadheen, iyagoo u kala baxay Buuhoodle iyo Sallinta.
Waxaase madaxda sare ee SSC-Khaatumo maanta la gudboon guulaha ay iyaga iyo shacabkooda wada gaadheen ay ka sii wada shaqeeyaan iyaga oo muujinaya dulqaad, adkaysi iyo fogaan arag.
Ugu danbaytii saraakiisha ciidanka iyo askartaba waxaa ka muuqata daryeel, waana arrin iyaga iyo hubkoodaba ka muuqata, waxa kaliya oo ay u baahan yihiin in aad looga sii war hayo, iyagoo ah maanta ciidanka goob jooga ee ugu awooda badan geyiga Soomaaliyeed.
Jidbaale Editorial






