Today: Nov 21, 2025

Booqashadii Hoggaamiyaha Iyo Saraakiisha Ciidanka Ee Sallinta

1 year ago

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Awcali, Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Axmed Karaash iyo taliyayaasha ciidanka SSC-Khaatumo ayaa ciidamada qalabka sida ee SSC-Khaatumo ku booqday fadhiisimahooda difaaca hore  ee Sallinta oo 7 km u jirta Tuula Oog.

Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo halkaa khudbad ka jeediyey ayaa ciidamada qalabka sida kula dardaarmay in ay difaacooda adkaystaan. Hoggaamiyuhu isaga oo la hadlaya maamulka Hargeysa wuxuu yidhi: ”Kuwii idin qaawiyey ayaa idinka soo horeeya, maantaadna ugu itaal yar tihiin“ . Waxa kale oo uu sheegay hoggaamiye Cabdiqaadir in ay Soomaali ogaatay nooca uu yahay maamulka Hargeysa oo ah cadowga Soomaaliyeed.

Maanta oo ay ahayd 25.08. oo ah maalintii laga guulaystay ciidankii maamulka Hargeysa ee sideedda bilood dagaalka ku hayey dadka magaalada Laascaanood, dhufays iyo goob ay ka soo duulana ka dhigtay Goojacadde ayaa ahayd munaasabid ciidanka guusha soo hooyey wakhti lagula qaatay.

Waxaana goobta ciidanka saldhiga u ah lagu soo bandhigay hub tiro badan oo isagu jiray hubkii ciidanka iyo hubkii laga furtay ciidamada maamulka Hargeysa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.