Today: Sep 14, 2025

Beesha Gaheyle oo sheegatay mulkiyadda garoonka Diyaaradaha Ee Ceerigaabo.

1 year ago

Ceerigaabo, Jidbaale.net:-Beesha gaheyle oo ka soo jeesa Beesha Majeerteen ee Harti oo deggan gudaha magaalada Ceerigaabo ayaa si’adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Magalaada ceerigaabo. 

War-murtiyeed ay beeshu ka soo saartay shirar u socday 4-tii maalmood ee ugu dambeeyay ayay warbaahinta La wadaageen  lahaan shaha  dhulka Madaarka magaalada ceerigaabo ku yaalo.

Odayaal ka hadlay warbaahinta oo ka soo jeeda Beesha Gaheyle ayaa sheegay in ay mulkiyad u leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada ceerigaabo iyo ilaa buurta canka ah ee Surrad haddii laga farsan waayana ay keenayaan maamulka Puntland.

Odayaasha ayaa sheegay in beelaha ku hardamaya magaalada Ceerigaabo ee Dhulbahante iyo Isaaq aysan sax ahayn sheegashada ay ka wadaan gudaha magaalada Ceerigaabo. 

Waxa ay sheegeen in haddii Isaaq keenay Somaliland Dhulbahantana soo wado SSC-Khaatumo ay iyaguna keeni doonaan Maamulka Puntland.

Magaalada Ceerigaabo ayaa muddooyinkii danbe waxaa ka socday loollan siyaasadeed oo udhaxeeya maamullada SSC-khaatumo Iyo Somaliland oo beelahoodu ay dagaan gudaha Magaalada Ceerigaabo.

Dabayaaqadii bishii hore ee Agoosto waxaa gudaha ceerigaabo ka dhacay dilal iyo rabshado is xigay-xigay oo dhexmaray beelaha SSC-Khaatumo ee reer Sanaag iyo Beelaha Somaliland ee gobolkaasi deggan.

Xiisadda ayaa haatan deggan oo dhimashada iyo colaada siyaasadeed ee gobolka waxaa lagu bakhtiiyay biyo qabow kadib markii golaha dhaqanka labada dhinac culimada iyo ganacsatadu ay baaqyo nabadeed ka soo saaareen xaaladda ka sii daraysay ee Gudaha Ceerigaabo.

Magaalada ceerigaabo waxaa iyana deegaan ahaan Caasimadda iyo Gobolka qayb lixaad leh ka degan Beesha Warsan gali. Dagsiimada gobolka Sanaag oo 5 dagmo ka kooban ayaa waxa wada yaalla beesha Harti iyo beesha isaaq. Sannadihii ugu danbeeyay Gudaha Ceerigaabo waxaa ka jiray is riix-riix deegaammada ah iyo loollanka siyaasadeed ee SSC-khaatumo iyo Somaliland.

Warmurtiyeedka ay maanta soo saareen beesha gaheyle ayaa uga sii daraya xaaladda Ceerigaabo oo haatan aan cago badan ku taagnayn  indheer garatada deegaanku.

Leave a Reply

Your email address will not be published.