Laascaanood-Jidbaale:- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Marwo Hoodo Caaqil ayaa maanta warbixino ka dhageystay Agaasime waxeedyadda iyo Qayb kamida M/Q Wasaaradda Ganacsiga.
Warbixinada ay soo jeediyeen agaasime waxeedayadu iyo M/Q yadu ayaa ku saabsanayd arrimaha shaqo ee waaxyaha wasaaradda, waxyaabaha u qabsoomey iyo qorsheyaasha deggan ee haatan lagu hawlgeli doono .
Sidokale kulanka Waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqadda wasaaradda gaar ahaan Waaxda Liismadda si kor loogu qaado Dakhli soo xareynta Maamulka.
Ugu danbayn Agaasimaha Guud ayaa uga mahad-ceshay Agaasime waaxeedyada iyo hawl-wadeenadda wasaaradda shaqada baaxadda leh ay Wasaaradda iyo bulshada SSC-Khaatumo u hayaan, asagoona kula dardaarmey in ay sii dardar-geliyaan shaqooyinka socda dadaal dheeri ahna kudaraan.
Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha Iyo Maalgashiga SSC-Khaatumo Marwo Hoodo Caaqil
